Gud. Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Shirka Common Wealthka

2010-02-08

Gud. Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland mudane C/casiis Maxamed Samaale iyo wafti uu hogaaminayo ayaa si rasmiya loogu casuumay shirka wadamada Common Wealthka oo haatan si rasmiya uga socda magaalada London. Shrika waxaa ka qayb galay ilaa 40 dawladood oo dhamaantood xubno ka ah Common Wealthka.

 
Waxa ka mid ah waftiga Gud. Xigeenka la socda mudane Aadan Tarabi Oogle oo ah xubin ka mida ah Golaha Wakiilada isla markaana kasoo baxay xisbiga Udub. Aadan waa Gudoomiyaha Guddida la dagaalanka musuq-maasuqa ee Golaha Wakiilada.
 
Muhhimada ugu weyn ee shirkani waxay ahayd Dhisida Nabadgelyada iyo Xalinta Mashaakilaadka  wadamada xubnaha ka ah ururkan. Intii uu shirku socday waxaa laga hadlay dhibaatootinka ka jira wadamada qaarkood iyo sidii loo xalin lahaa arrimahaasi.
 
Wafiga Somaliland waxay xalay qado sharaf loogu sameeyay magaalada Belfast ee gobolka Waqooyiga Ireland. Waxa waftiga si rasmiya u qaabilay isla mraka khudbad ka jeediyay hoolka shirarka ee Dawlad goboleedka Waqooyiga Ireland gudoomiyaha Golaha Waqooyiga Ireland mudane William Hay MLA Speaker of Northern Ireland Assembly.
 
Waftigu waxa ay joogi doonaan waqooyiga Ireland mudo laba cisho ah. Waxaana la filayaa marka uu shirka u dhmmaado inay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan masuuliyin ka tirsan baarlamaanka Britain iyo masuulyiin kaleba
 


 
WaryaTv.Com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com