Chelsea Oo Guul Darro Xanuun Badan Huwisay Arsenal
2010-02-08

Weeraryahanka afka hore uga ciyaara kooxda Chelsea ee Didier Drogba ayaa shalay 3-dii dhibcood u gacan galiyay kooxdiisa ka dib markii uu u dhaliyay 2-da gool oo ay uga adkaadeen kooxda Arsenal.

Ciyaartan oo aheyd mid aad u kulul ayaa inta badan waxaa kubbada 70% maamulaneysay kooxda Arsenal, taasoo lagu yaqaano xirfadda iyo isku dhiidhiibka baasaska macaan ee laga ciyaaro horyaalka Ingiriiska. Balse, inta badan waxaa Arsenal ka weecata inay gaaraan guul u horseedaysa farxad iyo damaashaad.

Haddaba, Chelsea oo iska dhega tireysa in laga kubbad fiican yahay isla mar ahaantaana ciyaareysay kubbad xifaaltan adag ku jirto ayaa daqiiqadii 8-aad shabaqadda Arsenal ku hubsatay goolkii koowaad, kaasoo uu u sixiixay weeraryahankooda Drogba. Arsenal oo dadaal muujisaysa iyadoo kubada dhinac kasta ka keenaysa ayaa hadana Chelsea waxay ka heshay fursad ay ku dhalisay goolkeedii 2-aad, waxaana u sixiixay mar kale isla weeraryahankooda Didier Drogba.
Halkaasna waxaa mar kale niyad jab xoog badan ka soo gaartay kooxda Arsenal oo usbuucii la soo dhaafay ka tabaneysay guul darradii ay Manchester United ku huwisay gurigeeda 3-1.

Arsenal ayaa haddana waxaa usbuuca soo aaddan sugeysa kooxda kale weyn ee Liverpool. Haddaba la arki doonee waxa ay natiijada kulankaasi oo isana u muuqda mid aad u adag.
Dhinaca kale, Horyaalka dalkaasi Talyaaniga oo isana kulamadiisii badnaa shalay ayaa waxa ay kooxda hoggaanka haysa ee Inter Milan ku sii fogaatay 8 dhibcood oo nadiif ah ka dib markii ay shalay 3-0 uga farxalatay kooxda Cagliari. Ac Milan iyo Bologna oo wada kulmay ayaa waxay isku mari waayeen 0-0. Kooxda As Roma waxay 1-0 isaga fujisay dhiggeeda Fioretina. Halka kooxda Lazio iyo Catania oo wada kulmay na Lazio looga adkaaday 1-0.












C/raxmaan "Helos"
Waryatv senior sport chief
helos69@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

