Xamar Oo Xalay Dagaal Ruxay

2010-02-08

 Dagaalo xoogan oo u dhexeeya Ciidamadda Dowladda KMG iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa Xalay ka dhacay qaybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya sida Shabakadda WaryaTv ay u xaqiijiyeen Dad goob joogayaal ahi.

Dagaalka ayaa ka bilowday Degmooyinka C/casii,Boondheere iyo Shibis halkaasoo maalhihii dambe ay isku hor fadhiyeen dhinacyadda isku haya gacan ku haynta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Labadda dhinac ayaa la sheegayaa inay isku adeegsanayeen Hubka noocyaddiisa kala duwan waxaana ku geeryooday Hubkay isk u adeegsanayeen 3-ruux rayid ah halka tiro kale oo 8-deed gaaraysana la sheegay inay ku dhaawacmeen oo haatan goobaha Caafimaadka lagu dabiibayo.

Magaaladda Muqdisho oo Waji Dagaal ku wa jahan ayaa Saaka waxaa laga maqlayaa daryanka Madaafiicda ay ridayaan Ciidamadda AMIOM ee Nabad ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya gaar ahaana Magaaladda Xamar.

Afhayeenka ciidanka Milatariga Aadan Ibraahim Kaalmoy ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe xoogagga hubaysan ee kahorjeeda dowladda KMG ah ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG ah qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Aadan Kaalmoy ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ay iska difaaceen weerarka, waxaana uu sheegay inay khasaare xooggan u geysteen xoogagga hubaysan ee weerarka ku soo qaaday sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ku eedeeyey xoogagga hubaysan ee kahorjeeda dowladda KMG ah inay madaafiic ku garaaceen xaafado ay deggan yihiin dad rayid ah saqdii dhexe ee xalay, waxaana uu sheegay inuu jiro khasaare xooggan oo ay madaafiicda u geysteen dad shacab ah.

"Madaafiic ayey ku rakibteen qeybo kamid ah magaalada, waxaana ay u qeybiyeen jiho walba" ayuu yiri Aadan Kaalmooy afhayeenka ciidanka Milatariga dowladda KMG ah oo ka hadlayey dagaalkii xalay kadhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee ma jiro war kasoo baxay dhinacyada hubaysan ee dagaalka kala horjeeda dowladda KMG ah oo ay uga hadlayan dagaalkii xalay kadhacay magaalada iyo eedeynta uu u jeediyey afhayeenka ciidanka Milatariga dowladda KMG ah.

WaryaTv Muqdisho-Somalia

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com