Haash Sigaar Ah oo uu Ka Tegay Churchill oo Lagu Iibsaday $8000

2010-02-08

WARYA TV- Sigaar u badh-cabay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska Winston Churchil 1941kii ayaa lagu iibsaday lacag  qaddarkeedu yahay $8000.

 

Raiisul wasaaraha ayaa xabbadan sigaarka ah isagoo aan dhammaysan bakhtiiyey isagoo markaa ku degdegayey shir ay lahaayeen golihiisa wasiiradu- isla markii uu bakhtiiyeyna waxa qaatay nin shaqaale ka ahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha ee No.10 Downing Street.

 

Ninkan sigaarka qaatay ayaa u diray haashka nin saaxiibkiis ah isagoo u raaciyey qoraal yar oo uu ku qoray warqad rasmi ah oo No.10 Downing Street ku daabacantahay. Ninkaas loo diray haashka ayaa haystay illaa iyo intii uu ka dhimanayey Churchill. Isaguna wuxuu u sii gudbiyey nin kale oo ay qaraabo yihiin.

 

Haaskaas sigaarka ah oo dherekiisu dhammaa 4 hiish (4 inches) ayaa bishii November ee sanadkii hore lagu xaraashay lacag qaddarkeedu dhanyahay $8000 (oo u dhiganta illaa £4500).

 

WARYA TV

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com