Guddoomiyaha Guurtida Oo Sheegay Inay 48 Sacadood Gudahood Ku Xallin Doonaan Khilaafka Guurtida Hadheeyey
Hargeysa (Waryatv.com)-Guddoomiyaha
Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inay 48
sacadood gudahood ay ku dhammayn doonaan khilaafka Golaha, kaas oo uu sheegay
inay daba dheeraaday, isla markaana uu kala qaybiyey Mudanayaashii Golaha.
Fadhigii maanta ee
Golaha Guurtida oo ay u dhammaayeen Shirguddoonka Golahaasi ayaa waxay
Mudanayaasha ka balan qaadeen inay soo darsi doonaan xudunta khilaafka
dheeraaday, kaas oo ay sheegeen inay
maalinta Arbacada Golaha horkeeni doonaan waxa ay Shirguddoon ahaan u arkaan
xal, hase yeeshee Guddoomiyaha Golahaasi Guurtida oo hadal kooban u jeediyey
Xildhibaanada ayaa waxa yidhi:-
“Wixii dhibaatooyin ah
ee dhex yaalay Golaha waxaad moodaa in Goluhu Anaga (Shirgudoonka) nagu soo
riixay waxaan ka odhanayaa mar haddii aad leedihiin idinkiiba is hayee xal noo
keena waxaan ka idhaahdaa ma jiraan. Haddii aanu eedaysaneyaal noqonay waa inaanu
anagu xalkii keenaa.
Mudadaba Arrintani way
jiitameysay kolay shan todobaad way tahay sadex aan joogay iyo laba aan
maqnaaba, waxaan leeyahay wixii aanu xal u aragno waxaanu isla qaadanay inaanu idin
hor keeno.
Taayada (Shirgudoonka)
ta golaha ayaa ka weyn in kasta oo aad iska soo dudeen haddana Goluhu waa
qeybsan yahay markaa waxaan odhan lahaa ducaysanay oo wax wada cunay kuna
faataxasanay.” Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Guddoomiyuhu yidhi
“Xeerka xakamaynta hubka
fudud waanagii sabtidii idiin qeybinay sidii caadadu ahaan jirtay xeerka maanta
laga bilaabo 48 saacadood ku soo darsa. Anaguna 48 kaasi saacadood arrinta
khilaafka waa inaanu ka keenaa wixii xal ah Isniinta iyo Salaasada waynu kala
maqnaanaynaa oo Arbacada ayaynu isku imanaynaa. Goluhuna hawshiisa ha wato Anaguna
Shirgudoonka waa inaanu wixii aad na farteen aanu galnaa oo keenaa.”
Xildhibaan Maxamed
Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo hadalkaasi Guddoomiyaha kadib Golaha kaga dhawaaqay
inay soo badali doonaan hadii aanay Shirguddoonku khilaafka u dhexeeya xal u
helin.
“Waxaanu ku cel celinay
waar khilaaf kale nama hayo
sadexdiinaasi haddii aad soo
midowdaan goluhuna wuu midoobayaa. ilmaadeerayaaloow haddii aydaan midoobayn
waxaad na tidhaahdaan sadex kale keena.”
Xafiiska wararka ee Waryatv
Hargeysa-Somaliland
Reported Cabdiqani Cabdilaahi Axmed
Asporo4live@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

