Ninkii Ku Geeriyooday Qaraxii Laascaanood Oo Noqday Askari Ka Soo Jeeda Gobalka Togdheer

Source: Laascaanood News
2010-02-07
Waxaa maalmahan aad laysu weydiinayaa aqoonsiga ninkii ku geeriyooday qaraxii habeen hore ka dhacay Magaalada Laascaanood.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa shabakadda LASANOD u sheegay in ninkii ku dhintay qaraxani uusan ahayn nin ismiidaamiyey, basle ahaa nin ka tirsan ciidanka Somaliland ee gacanta ku haya magaalada Laascaanood.

Ninkan ayaa la xaqiijiyey inuu dhalasho ahaana
kasoo jeedo Gobalka Togdheer

Qaraxan oo markii hore lagu tilmaamay ismiidaamin ayaa sida la xaqiijiyey ka dhashay kadib markii ninkani oo shaqada uu u hayey ciidamada Somaliland ahayd Miino aaska, uu ku dhexjiray inuu walxaha qarxa ku aaso goobtii qaraxu ka dhacay.

Shacabka Reer Laascaanod oo arrintan aad u hadalhaya ayaa maanta isweydiinaya waxa ninkan ka tirsan Militeriga Somaliland ku kelifay inuu miinada aaso oo isaga ku qaraxdo.

Waxaa xusid mudan in farta aad loogu lagu fiiqayo maamulka ka taliya maagaaladu inay ku lug leeyihiin qaraxyadii bilhii ugu danbayey ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood. kuwaas oo loo xidhay saraakiil sare o ka tirsan Sirdoonka  Somaliland.

Sidoo kale qaraxan ugu danbeeyey ee ninkan u dhashay gobolka Togdheer miinadu ku qaraxday ayaa noqonaya raad cusub oo la xidhiidha kuwi hore oo sii xoojinaya in xukuumadda Somaliland gacan ku leeyahay qaraxyada ka dhaca Laascaanood.

Dadweynahaha reer laascaanood ayaa waxay is weydiinayaan sababaha iyo ulajeedada ka danbaysa qaraxyadan lagasoo maleegayo Hargeysa. Iyadoo dadka qaar aaminsanyihiin inay tahay arrin la xidhiidha doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Dalka Somalialnd iyo xaalad abuur la rabo in dib loogu dhigo Doorashooyinka arrintaas oo ah Cimri dhererka qudha ee ay heysato Xukuumadda  uu madaxda kayahay  Daahir Riyaale.



Waryatv.Com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com