Egayga Finland U Qaabilsan Arrimaha Africa Oo Ka Hadlay Arrimaha Somaliland iyo Axmed Walad Cabdalla Oo..Sii Akhri

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-02-07

Hargeysa (Waryatv.com), Ergayga gaarka ah ee dalka Finland u qaabilsan arrimaha geeska Africa ayaa ka dhawaajiyey in uu dalkiisa gaadhsiin doono xiiqada dhabta ah ee ka jirta somaliland, waxa uu sidaasi ka sheegay shirka midawga Africa mar uu la hadlaayey suxufiyiinta.

Mr Pekka Havvisto ayaa sidoo kale somaliland ku amaanay nabad galayda ka tis-qaaday dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaanu sheegay in looga baahan yahay sii xoojinta arrimaha aminga.

Mr Havvisto, waxa uu shegay in uu dawladiisa u ban dhigi doonoo sidii wadamada reer Yurub badankooda looga dhaadhicin lahaa qorshe cusub oo ku wajahan dimuquraadiyada somaliland iyo sidii taagero loo siin lahaa.

Geesta kale Ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan somaliland iyo Somaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa insa ka dhawaajiyey in somaliland ay ka hano qaaday Nabad iyo kala danbayn buuxda, waxaanu intaasi ku daray in wakhti xaadirkan dalka somaliya looga baahan yahay in uu somaliland kaga daydo hanaanka maamul iyo kala dabaynta.

Eryada ka soo baxay Axmed Walad Cabdalla ayaa ah kuwo somaliland u furaaya albaab cusub oo dhanka arrimaha dibada, kadib markii mudo hada laga joogo dhawr sano wadamada caalamku ay ka dayriyeen xidhiidhka somaliland ee ku saabsan arrimaha dibada.

Axmed Walad Cabdalla waxa kale oo uu sheegay in dalka somaliya ay soo daashadeen dagaalo ragaadiyey mudo ku dhawaad 20 sano ah, waxaanu farta ku goday intii somaliya ay dagaaladu ka socdeen in ay somaliland nabad ahayd inta badan.

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

ibrahimqasim@waryatv.com

 

 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com