Waryatv:- Daraasad Qaraxyadii Somaliland Ka Dhacay iyo Go’aan La’aanta Xukumada Riyaale

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-02-07

Qaraxyada Laascaanood

 

Laascaanood (Waryatv.com), Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa dhawaanahanba waxaa si-isdaba jooga uga dhacaayey qaraxyo, kuwaas oo lala beegsanaayey madaxda sar sare iyo saraakiisha ciidamda qaraka ee gobolkaasi.

Waxaa iyana soo badanaayey dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey falalka amaan daro ah oo shaki badani galiyey dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sool gaar ahaana magaalada Laascaanood, iyada oo magaalada Laascaanood-na ay labadii todobaad ee ugu danbeeyey ay Bandoo ahayd, isla markaana laga jaray khadka Isgaadhsiinta, waxaanay wararka ka imanayaa ay sheegayaan in uu shaki weyni uu ka dhashay qaraxii u danbeeyeey ee ka dhacay magaalada Laascaanood, kaas oo la sheegay in uu ku dhintay Ninkii dhigaayey Bamkaas.

Tuhunka

Wararka ku saabsan cida sida gaarka ah uga danbaysa qaraxyada laascaanood iyo falalka Dilka ah ayaa si weyn waxaa looga hadal hayaa guud ahaan gobolka iyo magaalooyinka Somaliland, hase ahaatee warar isa soo tararyey ayaa sheegaya in cida ka danbaysay qaraxii ugu danbeeyey ay tahay cid u dhalatay isla markaan aan sidaasi uga sii fogayn deegaanada Somaliland.

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland oo laftiisu uu ka mid yahay dadka baadhista wada ayaa ilaa hada ku hawlan cadaynta iyo meesha uu u dhashay ninka fuliyey qaraxii ugu danbeeyey

Dhibaayinka Gobolka Sool Maxay Keeni Karaan

Dadka u dhashay gobolka ayaa si weyn hore ugu taami jiray sida ay Somaliland gobolka Sool uga samasay maamulka iyo kala danbaynta, hase ahaatee dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo taraaryey cabashooyin ka soo yeedhayey shacabka gobolka, kuwaas oo ka dayrinaayey amaan darada soo foodd soortay magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool.

Sidoo kale dhibaatooyinka ayaa sababi kara kacdoon shicib, kaas oo lagaga soo horjeeda wax-ka qabasho la’aanta dhanka amaanka ee xukumada madaxweyne Riyaale, maalintii shalay ahayd waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay mudaharaad rabshado wata, kaas oo uu ka naf-waayey sida ay sheegayaan wararka ka imanay hal ruux.

Falalka amaan daro hadii ay sii bataan waxaa iyana sii laban laab-maya dadka neceb xukumada Somaliland gaar ahaana dadka degan Gobolka Sool.

Fashilka Xukumada

Xukumada ayaa si weyn ugu fashilantay dhawrkii qarax ee ka dhacay Somaliland laga soo bilaabo 29 October sanadkii 2008 oo Somaliland lala beegsaday seddex qarax oo daran-dooriya, waxaa intaas soo raaca dilkii loo gaystay taliyihii Qaybta 12-aad ee ciidanka qaranka Somaliland gaar ahaan Jiida Barri, sidoo kale taliyihii biilayska ee Gobolka Sool oo isna la khaarajiyey, balse waxaa isna dirqi ku badbaaday gudoomiyihii gobolka Sool kadib markii uu ka bad baaday dil qorshaysan in kastoo uu soo gaadhay dhaawac fudud.

Isku soo wada duuduubo intaas oo fal midna xukumada Somaliland si cad daboolka ugamay qaadin cida sida rasmiga ah uga danbaysay, waxaana jira in dhamaan dadkii looga shakiyey falalkaasi ay hada ku jiraan xabsiyada gobolada Somaliland, mana jiraan cid si gaara loo keenay maxakamad oo loogu riday xukun.

Sababta Xukun La’aantu Maxay Tahay

Xukumada uu hogaamiyo Madaxweyne Riyaale Kaahin ayaa si weyn uga cabsi qabta haaya’ado la sheegay inay u doodaan xuquuqda Aadamaha ee ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kuwaasi oo ka soo hor jeeda in qof qudha laga jaro ama la dilo.

Haaya’adahaasi ayaa xukumada cadaadis ku saaray sida la sheegay marar badan in hadii dadka geystay danbiyada noocan oo kale ah la dilo inay dabar go’ayso hanankii dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka hana-qaaday, sidaasi daraadeedna ay ku dhici doonto xasuuq shicib somaliland.

Su’aasha is-weydiinta mudani waxay tahay dimuquraadiyada Somaliland ma waxaa loo daba fadhiisanayaa Haaya’adaha u dooda xuquuqda Aadamaha sida Human Right Watch oo hada ka hawl gasha Somaliland?

Balse xagee ayey xukmada Somaliland wakhti xaadirkan ka baal maraysaa sheereecada islaamka iyo kitaabka Eeb oo inoo baneeyey in qofkii naf galaaftay loo dilo?

Isku soo wada uruuriyoo xukumada ayaa haba yaraatee warar qanciya bulsho weynta Somaliland iyo beesha caalamkaba ka soo saari weyday falalkii lagu dilay saraakiil ka tirsan milatariga, booliska iyo madaxda somaliland qaarkood.

Intaasi ayeynu ku soo koobi doonaa akhrise daaradada qaraxyada iyo dhibaatooyinka haysta xukumada somaliland, waxaana xusid mudan in dad badan oo ajaaniba lagu laayey somaliland tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

Ibrahimqasim@waryatv.com

 

 

 

 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com