Iran oo Gantaallo Ku soo Daldalaysa Syria
WARYA TV- Dawladda Iran ayaa bilowday inay gantaallo ku soo daldasho waddanka ay saaxiibka yihiin ee Syria ka dib markii uu hadal ka soo yeedhay wasiirka arrimaha debedda ee Israel, Avigdor Lieberman, oo bishan February 4dii, yidhi, “Asad waa in runta faraha laga saaro in dagaalka dambe aan Syria la jabin doonin oo keliya balse in isaga iyo reerkiisaba xukunka laga tuuri doono. Adiga iyo reerkaagatoona awoodda waddanka ma haysan doontaan”.
Hadalkan ka soo yeedhay Lieberman oo ah nin xag jir ah oo ku caan ah isir-nacaybka dadka Carabta waxa hadalkiisa ay u fasileen dadka khubarada ku ah arrimaha siyaasadda ee yuhuudda inay Israel damacsantahay inay weeararto Syria oo ay is-beddel ku samayso xukuumaddaas.
Syria ayaa iyaduna dhinaceeda gantaallo u raraysa jabahadda Xisbullah oo iyaduna u diyaar garoobaysa sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen Yuhuudda. Waxa sidoo kale iyaduna diyaar garoobaysa Xamaas oo gantaaladeed dadka aragagaxa ku rida balse aan dhugta lahayn u keydsanaysa haddii Israel weerar ku qaado Suuriya iyo Iran.
Wasiirka difaaca ee Syria, Jeneraal Ali Xabiib, iyo wasiirka difaaca ee Iran, Axmed Fahiidi, ayaa heshiis wada saxiiday ah in haddii mid ka mid ah la soo weeraro waddankiisa uu ka kale u hiiliyo. Waxa isaguna heshiiskaas saxiixay hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrallah.
WARYA TV
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

