Muran ka Aloosan Masuuliyadda Xadhig Lagula Kacay Wiil ka Tirsan Qurbo-joogga Beelaha Gabooye

Source: jamhuriya online
2010-02-06
Suldaan guud ee beesha Muuse-Dheriyo oo ka tirsan beel-weynta Gabooye Suldaan Naasir Cabdillaahi, ayaa ku eedeeyey Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka Mr. Xasan Sheekh Maxamed iyo Boqor Axmed-iid Warsame xadhigga wiil lagu magacaabo Nimcaan Aadan Cismaan oo ah qurbo-joog ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay oo dalka u yimi si uu dhammeeyo kiiska wiil ay walaalo ahaayeen askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland toogasho ku dilay sannadkii 2005.

Suldaan Naasir iyo oday-dhaqameedyo uu hoggaaminayo mar Jamhuuriya u warramayeen waxay u sheegeen in Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka iyo Boqor Axmed-iid Warsame ay dilkii Nimcaan Aadan walaalkeed gacanta ku hayeen kiiskiisa, inankuna ka biyo-diiday siday u maamulayeen.

Suldaan Naasir waxa uu intaa ku daray inuu inanku u sheegay isaga, in dilkii walaalkii lagu fadeexadeeyeen qaranka Somaliland, lacagna ku guran jiray, farriimo beenana u diri jireen, si uu arrintaas u dhammeeyana dalka u yimi, cabasho dilkaas ku saabsana u gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda, balse xabsiga u taxaabaan.

“Ayaan-darro ah iyo wejigabax bay ku tahay beesha Muuse-Dheriyo in xabsiga loo taxaabo Nimcaan Aadan Cismaan oo u socday maslaxad iyo inuu soo afjaro kiiska dilkii walaalkii, isla markaana xukuumadda kala xaajoodo dilkii walaalkii oo askari 2005-tii ku dilay magaalada Hargeysa, waxaanna igu maqaalo ah in inanka iyo adeerkii Wasaaradda Daakhiliga u jooga cabasho ka dhan ah Boqor Axmed-iid Warsame iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka oo hore uga tirsanaa jiray xisbiga UDUB, halkaasna isku af-dhaafeen boqorka iyo wiilka adeerkii, kadibna xabsiga loogu taxaabay, markii aan booqdayna waa la ii sii dayn waayey, waxaanan ugu baaqayaa in degdeg xorriyaddiisa loo soo celiyo,” ayuu Suldaan Naasir Cabdillaahi.

Geesta kale, Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-Insaanka Qaranka Mr. Xasan Sheekh Maxamed oo Jamhuuriya khadka telefoonka shalay kula xidhiidhay si wax looga weydiiyo eedaymaha suldaanku u xambaariyey, ayaa sheegay in aannu haba yaraatee wax lug ah ku lahayn xadhigga wiilkaas, eedaymaha arrintaas loogu jeediyeyna yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Wax alla wax ka jiraa ma jiro xadhigga Nimcaan Aadan Cismaan, kamana dambeeyo oo maxkamad ma ihi, balse waa xaalad-abuur aan jirin, waxaanna nimankaas xidhay Suldaankooda oo aflagaadeeyeen, una hanjabeen, isagana waad weydiin kartaa,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku.

Haseyeeshee, Suldaan Iid Cabdillaahi Xirsi oo ka tirsan madax-dhaqameedyada beelaha Gabooye, ayaa shaaca ka qaaday in uu isagu xidhay Nimcaan Aadan, kadib markii siduu sheegay uu wiilkaasi kula kacay aflegaado iyo hanjabaad la xidhiidha dil.

“Adeer aniga ayaa warraankaas u soo jaray oo maalin dhoweyd aniga iyo boqorka oo joogna Wasaaradda Daakhiliga ayey nimankaasi ay noo hanjabeen oo ay yidhaahdeen ilaa iyo maydkiina Wasaaradda Daakhiliga laga qaado arrintayada joojin maysaan, anigu afar sanno ayaan arrinkaas ku jiray oo aan ku hawlannaa sidii aan dacwaddan u dhammayn lahaa. Markaa aniga ayey ii xidhan yihiin ee nimankaa kale ee aad sheegayso uma xidhna,” ayuu yidhi Suldaan Iid Cabdillaahi Xirsi. Dhinaca kale, noomay suurtogelin in aannu la xidhiidho Boqor Axmed-iid Warsame.

Waryatv.Com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com