Ninkii ka soo horjeeday dhismaha Minaaradaha Masaajida ee Switzerland oo Muslimey

Source: somalimirror
2010-02-06

Sida warbaahintu tabineysay beryahan danbe waxaa la sheegayaa inuu Muslimey Siyaasigii reer Switzerland, Daniel Stretch ee hogaaminyay Xamladii ka dhanka aheyd Minaaradaha Masaajida Muslimiinta ee Dalka Switzerland.

Wargeyska Al-khabar ee ka soo baxa Dalka Jazaa’ir waxa uu sheegay Daniel Stretch oo ka tirsan Xizbiga A’shacab ee Dalka Switzerland sidoo kalena ahaa Siyaasi si aada dalka looga yaqaano, hogaaminayeyna Xamaladii ka dhanka aheyd dhisida Masaajida iyo Minaaradaha Dalka Switzerland inuu shaaciyay Islaanimadiisa.

Waxa uu sidoo kale wargeysku intaa ku darey in shaacinta Islaanimada Daniel Stretch lagu baahiyay baro internet oo dhowra, saameyna weyna u yeesahay  dalka Switzerland, gaar ahaan dadkii horey ugu taageeray go’aankiisii hore ee ahaa diidmada dhisida Masaajida iyo Minaaradaha.

Daniel oo markii hore olale xoogan u galey mucaarida Islaamka iyo dadka Muslimiinta, sidoo kalena taageero ku helay arintaa, ayaa u muuqda mid fikirkiisa dib isugu noqdey arintaas oo keentay inuu wax badan ka fahmo Diinta Islaamka ugu danbeyntiina keentay inuu shaaciyo inuu Islaamey, una bedelay Olalihiisa masaajido badan inuu ka dhiso Yurub sida warka lagu helayo.

Sida warbaahinta Switzerland tabisey, Daniel Stretch waxa uu ka istaqaalo qaatey Xizbigii uu ka tirsanaa ka dib markii uu Muslimay.

Waryatv.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com