Gudoomiyaha Guurtida “Ooda Laga Qaadi Maayo, Sheekhii Waynu Sugayaan Waana Khasab In Uu Yimaado”

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-02-06

Hargeysa (Waryatv.com), Kulankii maanta ee golaha guurtida Somaliland ayaa dib u furay kadib markii laba cisho ka hor laysku arkay qado casuumad ah oo uu fiday Sh Axmed Sh Nuux furre.

Kulanka waxaa hogaaminaayey Saaka Guddoomiyaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur), waxaana la guddo galay xeer cusub halkii la filaayey in maanta goluhu isa saamaxo, xeer kaasi la ayaa ahaa xeerka xakaymanta hubka fudud.

Gudoomiye Saleebaan ayaa ka dhawaajiyey in saaka uu Guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee Goluhu uu xanuusanaayo, sidaas daraadeed maalinta bari ah dib loogu dhigo balantii dhex taalay Golaha ee ahayd isa-saamaxaada.

Hase yeeshee xanuunka uu soo sheegtay Sh Axmed Sh Nuux Furre waxaa ku gacan saydhay xubno ka tirsan Golaha guurtida, waxaanay ku tilmaameen xauunka Sheekh mid aanay waxba ka jirin.

“Midh Intaas leeg ma qabo ee wax-baad qarsanaysaan Shir-gudoon ahaan” sidaasi waxaa yidhi xildhibaan ka mida xildhibaanada guurtida, hadalkaasi ayaa Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha guurtida ku abuuray dareeno kala duwan, waxaanu ku jawaabay

“Waxba qarsanmayno, umaanaan tagin ee sidaas ayuu nagu yidhi “Muslinow run sheeg Muslinawna run uga qaado” sheekhi waan xanuusanayaa ayauu yidhi oo ma soo kici karo”

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in uu aad u rabaan shir-gudoon ahaan furitaanka Golaha, isaga oo ka hadlay is marin waaga Golaha ayaa waxa uu yidhi

“Arrintani way raagtay waxaase loo baahan yahay in aynu gun-ka gaadhno, kal-fadhigina uu dhaw dhaw yahay, laakin kala tagi-mayno inga oo dhan u wada dareerayna mooyee, Ooda laga qaadi mayo, Sheekhii waynu sugayaan waana khasab in uu yimaado”

Khilaafka golaha ayaa laga yaaba in maalinta bari ah uu so oaf-jarmo, hase ahaatee waxaan ilaa hada si rasmi ah loo ogayn in Sh Axmed Sh Nuux Furre xanuun rasmi ah ku maqan yahay.

 

 

Xafiiska Wararka Ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by:- Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

ibrahimqasim@waryatv.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com