Burcad Badeeda Soomaaliya Oo Sheegay Inay Caawinayaan Haiti.
 Kooxha Burcad Badeeda Soomalida ah ee lacaga aadka u faraha baddan ka qaatay Maraakiibta iyo Doonyaha adeegsanaya biyo Gacanka Cadmeedyo iyo Badweynta India ayaa markii ugu horeysay Shaaca ka qaaday inay Caawinayaan Dalka dhul gariirku bur buriyay ee Haiti.
Afhayeen u hadlay Burcad Badeeda ayaa sheegay inay xilligaan doonayaan inay gar gaar bini aadinimo ka gaysanayaa Dalka Haiti taasoo ka yaabisay Maraykanka iyo Yurub.
Burcada ka qolaysata Biyaha Soomaaliya ayaa 2-dii sano ee la soo dhaafay gacanta ku dhigay lacag gaaraysa $150 Milyan ee Doolarka Mareykanka ah.
Afhayeenka Burcada ayaa tibaaxay in Ameerika iyo Dalalka Yurub aysan awood dhaqaale iyo mid binaa aadanimo toona u hayn oo ay ku caawin karaan Dalka Haitin lakiin Burcad badeedu ay yihiin kuwa kaliya ee Caawin kara dalka Musiibadu ku habsatay ee Haiti.
Waa markii u horeysay oo burcad badeedu ka dhawaajiyaan inay Caawinayaan Dalalka kale oo u baahan gar gara bini aadanimo.
Isku soo wada duuboo qisadaan oo Caalamka ka yaabisay ayaana la garanayn lacagta ay u qursheeyeen inta ay tiro la egtahay iyo inay ka dhabayn doonaan hadafkooda.
Saciid C/llaahi Kulmiye ''Nadaara''
WaryaTv Nairobi-Office
saciidnadaara@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

