Dhacdo Xanuun Baddan:Wiil Hooyadii Dhashay Nafta Laad Uga Goo'yay.

2010-02-06

 Wararka naga soo gaaraya Xeradda Qaxootiga ee Dhagaxley oo ka mid ah Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaala Dalkani Kenya isla Markaana ay jiraan Soomaali aad u fara baddan ayaa sheegaya in Ciidamadda Amaanka Dalkaas ay Xabsiga dhigeen Wiil Da'yar oo Hooyadii dhashay Laad uu Wadnaha uga dhuftay ku Naf weysay.

Wiilka iyo Hooyadda geeryootay oo aanan Magacooda weli helin ayaa hadana waxaa soo baxaya Warar baddan oo ku aadan Qaabka uu Wiilkaan Hooyadii dhashay ku dilay iyo Waxyaabaha dhex marayba.

Hooyadda oo Wiilkeeda kala soo Qaxday Dagaaladda Dalka Soomaaliya isla markaana in muddo ah ku haysay Xeradda Qaxootiga Dhagaxley ayaa la sheegay inay Garaacday ayadoo dooneysay inay Aqlaaqda u toosiso balse Wiilkii yaraa ayaa la sheegay intuu Boodey inuu laad Culus uga dhuftay Wadnaha.

Wiilka yar oo aan dil dhimashaa Hooyadi la rabin ayaa la sheegay innuu aad uga naxay Hooyaddii oo u geeryootay Laadkii uu ku dhuftay intaan lala gaarin isbitaalka.

Ciidamadda Amaanka ayaa Haatan Xabsiga dhigey Wiilka yar oo aad uga Naxsanaa Dilka uu o geystay Hooyadii dhashay waxaana weli socda Su'aalo ay weydiinayaan Booliisku.

Boqlaal Dad ah oo ku dhaqan Xeradda Qaxootiga Dhagaxley iyo Xerooyinka u dhow ayaa aad uga Naxay dhacdadaan foosha Xun.

Dhacdooyinka Foosha xun ee Ceeynkaan oo kalaa ayaa baadanaa waxaa ku kaca Soomaalida ayadoona aan la garanayn waxa ay ka yeeli doonaan Booliiska Kenya Soomaaligaan Hooyadi diley.
Isku soo wada duuboo Dhacdadaan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay oo Ceynkeeda oo kalaa oo ka dhacay xaradaas inkastoo ay horey uga dheceen dhacdooyin kale ayadoona Jimcihii hore Haweeynay Da'aad weyn ay Fidi Nafta uga jadhay Gabar da'aad yar.

Saciid C/llaahi Kulmiye ''Nadaara''
WaryaTv Nairobi-Office
saciidnadaara@hotmail.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com