Dowladda KMG Iyo Xisbul Islaam Oo Si Kala Duwan Uga Hadlay Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Muqdisho Ka Jira.
Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya oo laga dareemayo abaal Milatari oo xoogan oo Shacabka Wal wal ku biiray ayaa hadana Dowladda KMG iyo Urur-ka Xisbul Islaam siyaabo kala duwan uga hadleen.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa horaantii bishii ka dhawaajisay inay duulaan ku qaadayso guud ahaan Goboladda Dalka Soomaaliya kuwa ay gacanta ku hayaan Xoogaga ka soo horjeeda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda KMG C/risaaq Qelow ayaa wuxuu sheegay in Beryahaan ay Dowladu bdel ku samaynayso Ciidamadda ka jooga jiidaha hore ee Dagaalka.
C/risaaq ayaa dib u habeynta Ciidamadda Dowladda KMG ku tilmaamay mid lagu sugayo Amaanka laguna soo celinayo Xasiloonida Dalka oo idil.
''Ciidaadda Dowladda waajib waxaa ka saaran in ay galaan meel walba oo loo diro mana jirto wax ka hor tagi kara in ay gutaan Waajibaadkooda,''ayuu yiri C/risaaq Maxamed Qeylow.
Dhinaca kale Mas'uul u qaabilsan dhinaca howlgalada Urur-ka Xisbul Islaam Sh: Maxamed C/llaahi Caruus ayaa ka dhaawajiyay in Dowladu ay Ciidamo hor leh geysay jiidaha hore asagoona intaas ku daray inay iska difaacayaan.
''Waan ka hor tagaynaa,waxaa diyaarsan rag awood leh mana dhici doonto in ay soo xad gudbaan,''ayuu yiri Maxamed C/llaahi Caruus.
Sikastaba ha ahaatee Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa abaabul Dagaal oo xoogan kaasoo ay wadaan Dowladda KMG iyo xoogaga ka soo horjeeda oo xilligaan is difaacad un u qanacsan.
WaryaTv Muqdisho-Somalia.
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

