Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo Booqashadiisi Dalka Sweden ku soo Gabogabeyey Siminaar lagaga hadlaayey Doorashooyinka Somaliland

2010-02-05

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Abdirahman M. Abdillahi(Cirro) ayaa maanta ku soo gunnaanuday booqashadii rasmiga ahayd ee uu maalmahan ku joogay dalka Sweden ka qeybgalid siminaar lagaga hadlayay doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo carqaladaha ka hore imankaraSomaliland forthcoming presidential election and the challenges”.

Siminaarkan oo qabanqaabadiisa uu iska lahaa xisbiga Swedish Liberal Party ayaa ka dhacay gurigga baarlamaanka Sweden waxaana ka soo qeebgalay xubno ka kala socda dowlada Sweden, baarlamaanka, haayada xuuquuq admaha ee Amnesty International, ganacsato reer Sweden ah iyo koox kamid ah dadweynaha reer Somaliland ee ku nool magaalada Stockholm.

Gudoomiye Wakiilada Abdirahman oo ka hadlay siminaarkaas ayaa warbixin kooban ka siiyey dadkii halkaa isuguyimid carqaladihii sanadkii inadhaafay ee 2009 la soo gudboonaaday qabashada doorashada iyo halka ay iminka mareyso xaalada doorashadu. Gudoomiyaha oo arintaasi ka haldaya waxa uu yidhi ” murankii doorashada waxa uu somaliland u noqondoona cashar waanay ka faa’idasan doonta si aanay taaso kale mardanbe u dhicin”. Gudoomiyihuu mar uu ka jawaabayey su’aal laxidhiidha wakhtiga doorashadu ay dhici doonto waxa uu yidhi ” aad baan ugu kalsonahay in ay dhowaan dhici doonto doorashadu. Guddidan cusubi waxay ku daddaalayaan in aanay khaladadkii guddidii hore oo kale aanay sameyn markaa ma doonayaan in ay ka hor dhacaan wakhtiga ay hawlaha ka qabyada ah dhamastirayaan, taasana sababtay in aanay wakhti cayimin iminka”.

Ugu danbeyn gudoomiye Abdirahman waxa uu ku nuuxnuusaday niyadsamida uu u heyo gudidan cusub iyo in ay doorasho xalaalihi dhici doonta dhowaan.

Waxa kale oo iyana ka hadashay siminaarka Marika Fahlen oo ah Ergeyga khaaska ah ee Geeska Afrika ee Wasaarada Arimaha Debedda ee Sweden. Marika waxay sheegtay in dhibaatoyinka la gudboon guddida doorashada ay kamid tahay sidii ay u hannan lahayeen kalsoonida asxaabta iyo wadamada deeqda bixiyaasha ah . Waxa kale oo Marika sheegtay in ay dawladda Sweden ay aad u danay naayso doorashada isla markaana ay gacan ka geysandoonto wixii caawimo ah ee la soo gudboonaada.

Waxa iyana siminaarka ka hadashay Lena Rösell oo u qaabilsan Swedish Amnesty International qeebta soomalia. Lena waxay sheegatay in ay somaliland aanay ku xadgudbin xuquuda bini aadanka marka la barbardhigo gobalka intiisa kale. Lakiin waxa ay walaac ka muujisay in sanaddadii u danbeyey ay jireyn tacadiyo ay dowladduu kula kacday saxaafada madaxa banaan, arintaasina aanay geedi socodka dimuquraadiyada somaliland u fiicnayn.

Ugu danbeyntii siminarkaas oo ay dhowr qof oo kale ka hadlayn ayaa ku dhamaaday jawi farxad iyo is afgarada ah.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa  socdaal ugu baxay dalka norway isaga oo u weheliyo wakiilka somaliland u fadhiya sweden Md Caydarus Sheikh Adan.

Mohamed Abdillahi Hassan

Freelance Journalist

Stockholm Sweden

WaryaTv.Com Stockholm Sweden 5 Feb 2010 Info@waryatv.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com