War Deg Deg Ah:Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay M/Bosaso.

2010-02-05

 Warar goor dhaweyd Shabakadda Caalamiga ah ee WaryaTv ka soo gaaray Magaaladda Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa Sheegaya in Qarax Xoogan uu goor dhaweyd ruxay Magaaladaas.

Goob joogayaal ku sugan Magaaladda Bosaso oo Xiriir toos ah la soo sameeyay WaryaTv ayaa sheegay in Qaraxa oo ahaa mid xoogan lala bar tilmaameedsaday Bar Kantorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamadda Amaanka Gobalka Bari gaar ahaana kuwo Magaaladda Bosaso.

Wararka hor dhaca ah ayaa tilmaamaya in Qaraxa uu ku dhaawacmay Oday rayid ah oo ka ag dhawaa Goobta uu Qaraxu ka dhacay welina lama oga in Khasaare soo gaaray Ciidamadda Amaanka iyo in kale.

Ciidamadda Qaraxaha lala bartilmaameedsaday ayaa Bar Kantorool ku lahaa Meeyl aan ka fogeyn Masaajidka Al-Aqsa ee Magaaladda Bosaso waxaana goobta loo keenay inay Amaanka Adkeeyaan.

Wixii Ku Soo Kordha Kala Soco WaryaTv

WaryaTv Bosaso-Somalia.

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com