Dhacdo Naxdin Leh:Gabar Dhalinyaraa Oo Nolosha Lagu Xabaalay Dalka Turkiga.

2010-02-05

 Gabar gaartay Waqtiga Qaan gaarnimadda ayaa markey 16-sano jirsatay Sanadkaan Cusub ee 2010 Waalidiintii dhalay Nolasha ku xabaaleen ayagoo ku ciqaabaya Markeey la hadashay Wiilal sida ay sheegeen Booliiska Wadankaas.  

Medine Memi ah Gabadha Nolasha lagu Duugay ayaa ayadoo labada gacmood ka xiran kuna dhex jirta God laba Mitir ah oo laga qoday xerada Doorada ayaa laga helay banaanka xafadeeda oo kuyaala Degaanka Kahta,Gobolka Adiyaman oo dhaca Koonfur Bari Dalka Turkiga.
 
Aabaheed iyo Awowgeedba waa laxiray waxaana lafilayaa in dhawaan Maxkamad lagu soo taago dilka gabadhaasi yar,Hooyadeedna waa laganaaxay waana lasii daayay.

Booliiska ayaa Arrintaa xaqiijiyay kadib markii ay xog ka heleen qof arkay goobta gabadhani lagaliyay
 
Shaqsigan ayaa booliiska u sheegay in ladilay markii uu raacay qaraabadda oo kulan laheed.
 
Warbaahinta ayaa shaacisay in Odaygu uu u sheegay qaraabada in uu aad uga careesanyahay in gabadhiisa oo kamida sagaal Caruura ay leedahay Saaxiib lab ah Awoowahana  waxaa lasheegay inuu gabadha qaraacay.
 
Baaritaan lagu sameeyay gabadhan yar jirkeeda guud ahaan ayaa waxaa sambabkeeda iyo calooshaba lagu arkay ciid aad utirobadan,taas oo cadeenaysa in gabadhan nolol iyo miyirkeedoo taam ah lagu duugay."baaritaan kadib waxaan ogaanay in gabadha jirkeedu uusan wax nabara ku oolin sidookalana aan lasumeen xiligii laduugayay"saa waxaa yiri shaqsi baritaanka wax kawaday.
 
Waxaa sidoo kale lashaaciyay in madine ay inbadan isu dayday in ay booliiska ku dacwayso una sheegto in Aabaheed iyo Awowgeed ay qaraacaan intan ladilin.

Saciid C/llaahi Kulmiye ''Nadaara''
WaryaTv Nairobi-Office
saciidnadaara@hotmail.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com