Sarkaal Ka Tirsan Ururka Xisbul Islaam Oo Xalay Lala Beegsaday Weerar Bam Gacmeed ah.
Mas,uul katirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa Habeenimadii xalay Bam Gacmeed lagu weeraray Guri uu ka degenyahay magaalada Muqdisho.
Barre Cali Barre oo ah Mas'uulka la weeraray oo la hadlay saakay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dhinaciisa, waxaana uu intaa ku daray in markiiba koxaha weerarka geeystay ay baxsadeen kadib markii ay rasaas ku fureen ilaaladii la soctay
Waxaa sidoo kale uu sheegay in ay jiraan dad cadow ku ah Islaamka kuwaasi oo uusan Macneynin balse waxaa uu sheegay Barre Cali Barre in ay yihiin kuwo kasoo horjeeda nolasha bani’aadamka.
Sarkaalka la weeraray ayaa waxaa uu ka mid yahay saraakiisha sar sare ee sida weyn ugu dhaw dhaw hogaamiyaha sare ee Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu dhawaan mar uu shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho uu gaashaanka u daruuray midowggii dhawaan ay sameysteen Xarakada Al-shabaab iyo Mucaskarka Raas-kanbooni.
Weerarkaan lala beegsaday Sargaalkan ayaa ku soo beegmayo xili uu maalmo ka hor garabkii Kaambooni ee uu horay afhayeenka ugu ahaa ku biireen Xarakada Al-shabaab, isla markaana uu taasi ka soo horjeestay.
WaryaTv Muqdisho-Somalia.
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

