Balaayoy Buulkayga Kaa Galay

2010-02-05

Sida aynu la wada socono badankeeno waxa dhawaan waddanka ka dhacay wasiirk-ku-xigeeno iyo wasiiro isu jawaabaya oo hadalo is-dhaaf ah ku hadlaya oo ummadda jaah wareer ku riday isla mar ahaantaana majaro habaabiyey mawqifka dhabta ee  dawladda.

 

Hadaladaasi waxay ka bilaabmeen hadal ka soo yeedhay wasiir-ku-xigeenka arrimaha debedda, Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Keyse) oo laga baahiyay TV-ga qaranka halkaasoo oo uu ka sheegay in guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, aanu waddanka soo geli karin illaa uu cafis soo qorto maahane.  Waxa markiiba dhalacayn dusha kaga tuuray dawladda xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Keyse Xasan Cige, oo sheegay in haddii arrinkaas wax laga qaban waayo ay u qaadan doonaan xisbi ahaan inay dawladdu la wadaagto arrinkaas wasiir-ku-xigeenka.

 

Waxa markiiba jawaab deg deg ah ka bixiyey wasiirka arrimaha debedda ee Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo dhinac isaga riixay arrintaas kuna sheegay mid wasiir ku xigeenka ku kooban. Wasiir-ku-xigeenkuna wuu aqbalay inuu hadalkaasi isaga ku koobnaa ee aanu ahayn mid go’aan ah oo ay xukuumaddu gaadhay. Wuxuu intaas raaciyey wasiirku inuu Axmed Siilaanyo yahay nin mujaahid ah oo ixtiraam iyo sharaf ka mudan xukuumadda Somaliland.

 

Arrintaasi halkaas kumay dhammaan balse Cabdillaahi Maxamed Ducaale waxa ka daba qaatay wasiirka warfaafinta, Axmed Xaaji Ducaale, oo yidhi mucaaradka afkooda ayaa laga hayaa kelmadda Federal-ka sidaa awgeed waa inay cafis iyo saamaxaad weydiistaan shacabka Somaliland. Hadalkan dambe ee wasiirka warfaafintu wuxuu buriyey hadalkii uu wasiirka arrimaha debeddu ku hadlay.

 

Waxa kale oo soo shaac baxay warar sheegaya in dawladdu abuulaysay dumar iyo dhallinyaro muddaharaad kala hortaga Axmed Siilaanyo markuu ka soo degayo madaarka Hargeysa. Arrintaasi oo markii ugu horreysay laga baahiyey Idaacadda Radio Horyaal waxay ahayd arrin kale oo sii mulaaqday xaalad markii horeba murugsanayd iyadoo tii hore lala yaabanaa oo dadku weli dhabanka iyo gacanta isku hayo.

 

Wasiirka beeraha ee Somaliland, Axmed Aadan Cilmi ayaa waraysi lala yeeshay wuxuu caddeeyey inaany xukuumaddu nabadgelyo darro abuurayn oo Siilaanyo yahay guddoomiye xisbi qaran oo tixgelin xukuumadda ka mudan, wararkaasina ay yihiin “been abuur cad”.

 

Waxa isna la waraystay oo Wargeyska Jamhuuriya waraysatay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland Farxaan Jaamac Ismaaciil oo isna la weydiiyey waxa ka jira in xukuumaddu diyaarinayso muddaharaad lagaga soo hor jeedo guddoomiyaha KULMIYE, waxa uu ku jawaabay; "Arrintaasi waa mid la yaab leh, Axmed Siilaayana wax dambi ah oo uu galay ma jiro, wax mudaharaad ah oo xukuumaddu qabanqaabinaysaana ma jiro, xukuumaddu nabadgelyada ayey ilaalisaa ee ma mudaharaado, mana garanayo sababta KULMIYE ku keliftay inay yidhaahdaan Guddoomiyahayagii ayaa lagu mudaharaadayaa, Axmed Siilaanyo waa nin siyaasi ah oo u tartamaya jagada Madaxweynaha, sabab loogu mudaharaadaana iima muuqato,"

 

Waxa isna ka daba hadlay arrintaas badhasaabka cusub ee gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa'uud oo hadda ka horna ku hadlay hadalo deel qaaf ah oo dhaqankeena iyo caadooyinkeena iyo asluubta siyaasaddaba ka dhan ah. Badhasaabka marka wax laga weydiiyey muddaharaadkaas wuxuu yidhi, “Way jirtaa dad noola yimi in aannu u oggolaano mudaharaad ay kala hortagaan Guddoomiyaha KULMIYE, laakiin waannu ka diidnay oo umaaanu oggolaanin, wixii nabadgelyada waxyeelanayana ma oggolin, mucaarad iyo muxaafid midna ka oggolaan mayno” Haddana isla waraysiga gudihiisii wuxuu yidhi, “Mucaaradkana waxaad naga gaadhsiisaan [haddaad saxaafadda tihiin] wax mudaharaad ah oo Guddoomiyaha lagu soo dhoweyn karaa ma jiro oo inta sameecado waaweyn la qaato oo suuqyada la meeraysto rabshada halkaa ka dhacaan”.  Badhasaabku isaga ayaa hadallo is burinaya afkiisa laga wada hayaa isla ammintaas khadka taleefanka lagu wareystay.

 

Wasiir ku-xigeenka-wasaaradda arrimaha debedda, Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Keyse) oo isna markaas waddanka debedda uga maqnaa ayaa ku soo laabtay waddanka oo bannaanka soo dhigay wixii isaga iyo wasiirkiisu ka wada hadleen ee ku saabsanaa siyaasadda arrimaha debedda taasoo la filayey inay ahaato sir dawladeed iyo warar qarsoodi ah ( State secret and highly confidential information). Axmed Keyse wuxuu sheegay inuu Cabdillaahi Maxamed Ducaale u sheegay iyaga in ninka la yidhaahdo Donald Payne oo ah xildhibaan ka tirsan Kongareska Maraykanka uu yahay cadowga Somaliland. Arrintaas dheg xumada ay u soo jiiday waddanka iyo masuuliyiinta dawladda Somalilandba maaha mid la qiyaasi karo. Wasiirku qalad weyn oo dibloomaasiyeed ayuu sameeyey (diplomatic blunder)

 

Arrintani halkaas kumay dhammaan ee waxa isna ku sii dhooqaystay xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax (Jug Soo Dhacay) oo taleefan uu ka soo diray Ceerigaabo kula hadlay Radio Hargeysa oo laga baahiyey hadaladiisii. Jug soo Dhacay wuxuu ku taliyey in ninkii (Siilaanyo) gacan qaaday cadowga Somaliland, waa Donald Payne eh, inaan waddanka dib loogu soo dhaweyn.

 

Habeenimadii uu Axmed Siilaanyo ka soo degi doono Madaarka Hargeysa badhasaabka gobolka Hargeysa oo hore u yidhi lagu muddaharaadi maayo Siilaanyo inkastoo uu isla mar ahaantaa yidhi hadal kale oo kaa burinayana, wuxuu u tegay Taliyaha Ciidanka Boliiska ee Somaliland, Maxamed Saqadhi, oo uu ka codsaday in ciidamada la taxo waddooyinka oo la horjoogsado soo dhaweynta guddoomiye Siilaanyo.

 

 Saqadhi wuxuu u sheegay badhasaabka inay arrintaasi noqonayso xaalad abuur sidaa awgeed aanu arrintaas samaynayn. Wuxuu kaloo u sheegay badhasaabka inuu boliisku maalintaa xidhi doono waddada madaxtooyada hor marta oo qudha. Waddo kale oo uu yidhi yaan la soo marinna waa laga diiday Saqadhi sida ay sheegeen xubno KULMIYE ka tirsan oo la kulmay taliyaha.  Laakiinse, badhsaabku wuxuu doonayay in guddoomiyuhu ka soo wareego xagga masalaha oo uu dush ka soo galo gurigiisa.

 

Waxa intaa dheer in habeenimadii taayiro la sii ururiyey la gubo oo la damacsanaa in lagu mudaharaado guddoomiyaha. Hase ahaatee, markuu waagu baryay waxay dawladdu ogaatay laxaadka ummadda u diyaar garowday inay guddoomiyaha soo dhaweeyaan taasoo sas ku riday xukuumadda.

 

Haddaba haddii aad maqli jirtay dawlad dhego la’, waa dawladda Daahir Riyaale. Waa dawlad aan isu warhayn oo nin kastaa wuxuu doono uu iskaga hadli karo sida looga bartay. Waxa burburay hoggaankii oo waxay noqotay dawladdii awr dabar la’aan dhacay.

 

Madaxweynaha oo ummaddu ka sugaysay inuu caddeeyo mawqifka dawladda ee dhabta ah inta aanu Siilaanyo soo degin, dhegaha ayuu furaystay oo barkimada ayuu ka dheeraystay. Illaa immikadan ma garanayno wuxuu aaminsanyahay ama aaminsanaa madaxweynuhu iyo fikiradaas kala duwan dhinaca uu raacsanaa ama raacsanyahay illaa immika. Waa arrin u taalla saxaafadda maxaliga ah inay su’aalo ku boobaan oo wax ka weydiiyaan arrintaas haddiiba uu fooqa ka soo dego.

 

Illaa iyo immika wasiirada iyo wasiirk-ku-xigeenada hadlay mid waliba isaga ayaa isla saxsan oo qumanihiisu qoorta ugu jiraa. Ummaduna way ku jaah wareertay. Ninkii kala saari lahaa ee loo igmaday masuuliyaddaas illaa immika juuq iyo jaaq kama hayno. Hadii uu madaxweynuhu uu kala saari waayo wasiiradiisii iyo ku xigeenadiisii, yaa kala saaraya? Waa fashilaad sideeda u taalla.

 

Riyaale xaalkiisi wuxuu noqday waxba igama kiin gelin ee balaayoy buulkayga kaa galay. Isaga mawqifkiisu wuu cadyahay maanta oo waa Somaliland goradda ha isla gasho ee bal kuwa aayaha ka damacsan dawladaiisa ee rajada ka sugaya bal kuwaana ka warran?

 

 

Jamal Madar

adammadar@yahoo.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com