Raxan Jiidh Ah Oo Xanibtay Dhaq dhaqaaqa 107 Tareen Oo Ka Hawl Gala Ingiriiska
2010-02-05
Madaxda masuulka ka ah dhaq dhaqaaqa Tareenada dalkaasi
Britain ayaa wada qorshooyin ay kula dagaalamayaan raxan Jiidhadh ah oo
dhibaateeya fiilooyinka ay ku socdaan wadooyinka Tareenada, kuwaasoo
iminka lagu soo warramayo inayba xanibeen in ka badan 107 Tareen oo ka
hawl gala waddooyinkaasi.
Dhacdadaan la yaabka leh ayaa waxaa ashtakooyin aan yareyn ka muujiyay dhamaan mas'uuliyiinta ku shaqada leh dhaq dhaqaaqyada Tareenada dalkaasi, kuwaasoo weliba codsaday in si deg deg ah wax looga qabto Dooliyaashaasi wax qaribaya, iyagoo weliba tilmaamaya inay ku bixin doonaan ka hortagooda malaayiin lacag ah oo wax looga qabanayo la dagaalanka Jiirarka caadeystay jar jaridda fiilooyinkaaasi.
Haddaba, mas'uul ka hadlay dhibaatada Jiirarkaani ku hayaan wadooyinka Tareenada oo magaciisa la yiraahdo Craig Johnston ayaa sheegay inuu aad ula yaaban yahay dhacdadaan yaabka leh oo ay geysanayaan Jiirarkaasi, wuxuuna intaasi raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata, " Aad bay u adag tahay in la rumeeysto amaba loo sheego dadka Tareenadeenii waxaa xayiray Jiirar.
Balse, sida runta ah aduunkaan wax walba way dhacaan. Waxaana aaminsanahay in maanta aan qasaarnay malaayiin lacag ah, taasoo ay sabab u yihiin buu yiri mas'uulkani u hadlay waaxda isu tagga Tareenada ee RMT la yiraahdo, ".
Wariye C/raxmaan Helos
Wacdaraha Aduunka
Waryatv
helos69@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

