Guddiga Joogtada Ee Golaha Wakiilada Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Sacda Dalka Switzerland
Hargeysa
(Waryatv.com), Guddiga joogtada ah ee Golaha wakiilada ayaa maanta kulan la
yeeshay wefti ka socda dalka Switzerland.
Sida uu shabakada
wararka ee WARYATV u xaqiijiyey Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada Xil Axmed
Maxamed Diiriye (Nac nac), kaas oo sheegay in ay guddigan si qoto dheer uga
wada-hadleen wakhiga ugu haboon ee ay ku qabsoomi karaan doorashooyinka Somaliland,
gaar ahaan doorashada madaxtooyada.
Weftigan ka socday
dalka Switzerland oo hogaaminaayo safiirka Switzerland u fadhiya dalka Kenya Mr. Michal Cohied iyo
khabiir ku xeel dheerka arrimaha doorashooyinka oo magaciisa la yidhaahdo
Julian Hohlinger.
Guddi hoosaadka joogtada
ah ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa weftigan waxa ay ku adkeeyeen inay
si-weyn indhaha ugu hayaan arrimaha dooorashooyinka ee Somaliland, isla
markaana waxa ay ka codsadeen inay ka
qayb qaataan dar-dar galinta doorashada madaxtooyada, taas oo sheegeen inay
dhawr jeer dib u dhacday doorashada Madaxtooyadu, isla markaana ay abuurtay
murano siyaasadeed oo cirka isku shareeray.
Sidoo kale Guddi
hoosaadka Joogtada ee Golaha wakiilada ayaa u soo bandhigay Waftiga wakhtiga
ugu haboon ee la qaban karo doorashada Madaxtooyada, taas oo ay sheegeen inay
qabsoomi karto bilaha afraad iyo shanaad
ee sanadka 2010.
Ilaa hada lama oga
xogaha rasmiga ah ee ku duugan kala shaandaynta Server-ka iyo mudada uu ku
qaadan-karo khubarada hada gacanta ku haysa iyo koomishanka doorashooyinka
qaranka.
Tan iyo wakhtii la
magaacabay xubnaha koomishanka doorashooyinka ee cusub ayaa wali ku guda jira
sidii ay soo saari la-hayeen natiijo rasmi ah oo qancisa dhinacayada ku
loolamaya doorashooyinka ay iyagu (Komishanku), garsoorka ka yihiin, taas oo
dad badani aamin-saneeyeen inay mudo yar oo kooban qaadanayso, hase yeeshee ay ku
dheeraatay sidii ay u shaandhayn lahaayeen natiijada codbixiyayaasha
doorashooyinka ee ku xaniban Server-ka.
Xafiiska wararka ee
Waryatv
Hargeysa/Somaliland
Reported by Abdiqani
Abdilahi Ahmed
(Asporo)
Asporo4live@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

