Xogo Iyo Cadaymo Faah-faahsan Oo Laga Helay Qarax Ka Dhacay Magaalada Laascaanood‏

2010-02-04

Hargeysa (Waryatv.com), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa maanta faahfaahin dheeraada ka bixiyey Qarax habeen hore ka dhacay magaalada Laascaanood oo uu ku dhintay Ninkii Qaraxa dhigaayey, kaas oo sida Wasiirku sheegay laga hayo macluumaad badan oo ay ku jiraan Mobile-kii gacanta iyo Kaadhkiisii.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali oo u waramaayey Warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Macluumaad la xidhiidha Ninkii isku Qarxiyey Bam uu dhigaayey, kaas oo sida wararku sheegaan uu la damacsanaa Hotel Xamdi oo ay  degan yihiin Wafti Wasiiro ah, balse ay suurto gal noqon wayday, hase yeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha oo dhacdadaa ka waramayaa waxa uu yidhi

 

 “Nasiib wanaag xalay 7:30 waxaa dhacay qarax, waxaanay ahayd xili habeenimo ah anaguna waxaanu go’aansanay in goobta lagu wareejiyo ciidamada booliska, anagoo ka cabsi qabnay in qaraxii weynaa ka dambeeyo sidii ay cadaada ka dhigteen.

 

Saaka ayaa goobtii laga helay Nin mayd ah oo isagu ah Qofkii dhigay Miinada ama Walxahan qarxay, waxaana la yidhaahdaa Miinaystuhu mar kaliya ayuu qal-damaa markaliyana wuu dhintaa, markaa isaga ayey xalay galaafatay.

 

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanan haynaa macluumaad badan oo laga helay, waxaanan soo bandhi doonaa baadhistu markay dhammaato, waxaanse ummada reer Somaliland, gaar ahaana reer Laascaanood uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay  u feejigan yihiin, waxaanan leeyahay Nabadgalyadu cid walba waa u dan, hadii aan waxan tallaabo laga qaadin oo aan la isku duub-naana…… Dadkii aanu is aragnayna waxaanu isla garanay in  si fiican loola shaqeeyo Ciidamada Amniga.

 

Kulankii shalay ay isugu yimaadeen Culimadii, Ganacsatadii iyo Madaxdii gobolku waxa la yidhi Ilaahow naga nabad geli, waadigaa arkaayey in Xalayba ay fashilaadi ku timid oo isagii ku dhintay,  macluumaad badana waan haynaa.”

 

Maaha markii kowaad ee Qaraxyo noocan oo kale ahi ay ka dhacaan magaalada Laascaanood, hase yeeshee bilood ee u dambeeyey ayaa waxa magaaladaas ka dhacay Qaraxyo waa weyn oo lala beegsanaayey Saraakiisha sar sare iyo Madaxda, kuwaas oo   galaaftay nafaha Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada qaranka ee Jiida bari iyo Ciidamada booliska ee magaalada Laascaanood.

 

Ma jiro ilaa iyo hada cid si toos ah u sheegatay Qaraxyada is daba jooga ee ka dhacaya magalada Laascaanood, hase ahaatee sida ay ka dhawaajiyeen Masuuliyiinta gobolku iyo Madaxda qaranku waxa Qaraxyadaasi lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan Cadowga Somaliland.

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Soamaliland

Reported Abdiqani Abdilahi Asporo

Asporo4live@hotmail.com

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com