Riyaale Oo Ku Fashilmay Balantii Uu Ka Qaaday Qoyska Xoghayihii Hore ee Udub

Source: Reported By Ibraahim Abdirahman Qaasim
2010-02-04

Hargeysa (Waryatv.co), Xisbiga talada haya ee Udub iyo madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayaa si weyn ugu fashilmay in ay taageero siiyaan qoyskii uu ka baxay Alle ha u-naxariistee marxuum Maxamed Ismaacil Bulaale oo ahaa xoghayahii hore ee xisbiga UDUB.

Munaasibad loo qabtay xuska marxuumka ayaa waxaa lagu qabtay magalaada hargeysa gaar’ahaana Hoel Imperial, waxaa munaasibadaas ka soo qayb galay masuuliyin ka socoda xukumada, madax-dhaqameedyo iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Munaasibadaas waxaa goob joog ka ahaa wasiirka hawla guud iyo gurtayn iyo suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir, suldaan Yuusuf xiiray.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir ayaa si ba’an u weeraray xukmada madaxweyne Riyaale, waxaanu ka dhawaajiyey in ilaa hada qoyskii uu ka baxay marxuumku aaay helin wixi balan qaad ahaa ee uu u balan qaaday madaxweyne Riyaale.

Balan qaadyada uu madaxweyne Riyaale u sameeyey qoyska uu ka baxay Bulaale ayaa ahaa in uu dib u hayn bugu sameeyo guriga hada ay ku jiraan qoyska uu ka baxay iyo in uu ka bixiyo wixii dayna ah ee lagu lahaa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ugu baaqay xukumada iyo madaxweyne Riyaale in ay sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabtaan arrintaas, isla markaana ay si deg dega xisbiga UDUB iyo madaxweyne Riyaale u soo bixiyaan wixii ay u balan qaadeen ilam Maxamed Ismaacil Bulaale.

Suldaanka ayaa sheegay in qoyska uu ka baxay xoghayahii hore ee xisbiga madaxweynahu ay hada iyo jeer cadaadis ku saaran duldaan ahaan sidii uu isku hor keeni lahaa madaxweynaha iyo qoyska, wuxuuna intaas ku daray in madaxweynuhu uu hoos u eego dhibaatooyinka haysta qoyska.

Tan iyo markii uu geeriyooday marxuum Maxamed Ismaacil Bulaale waa markii kowaad ee ay soo shaac baxdo in daymihii uu u galay xisbiga udub ilaa hada lagu hayso xisbiga talada haya ee UDUB.

Ilaa hada lama oga go’aanka dhabta ah ee madaxweyne Riyaale ka qaadan doono hadalada ka soo yeedhay suldaan Maxamed suldaan Cabdqadir.

 

Xafiiska wararka ee Waryatv

Hargeysa/Somaliland

Reported by Ibraahim Abdirahman Qaasim

(Qaasim)

ibrahimqasim@waryatv.com

 

 

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com