Badhna Geed, Badhna Qof
WARYA TV- Nin kalluumeysato ah oo u dhashay Indoneisa oo ah “badhna geed, badhna qof” ayaa rajadiisu soo noolaatay ka dib markii dhakhtar Maraykan ahi uu gartay xanuunka haya oo dhakhaatiirta dunidu oo dhan mucjiso ku noqotay xaaladda xanuunkiisa.
Ninkan oo da’diidsu tahay 32 jir, magaciisana la yidhaahdo Dede, wuxuu ku nool yahay tuulo fog oo Indonesia ku taal, wuxuuna leeyahay labo ciyaal ah. Ninkan ayaa laga cabsi qabaa ka-soo-baxa geedka oo kale ah ee jidhkiisa wada qaatay.
Iyadoo Indonesia looga yaqaano ninka geeda ah, xaladiisa caafimaad waxay mucjiso ku noqotay dhakhaatiirta caalamka muddo 20 sano ku siman.
Xidido-geed wax u eeg ayaa jidhkiisa ka soo wada baxay, kuwaasoo ay ka sii faracmeen laamo koraya illaa 5cm sannadiiba oo ka soo taagtaagan gacmihiisa iyo lugihiisa, jidhkiisa inta kalena ay dabooshay.

Si
uu reerkiisa u biilayo ninkani, waxa uu ka qayb galaa masraxyo ay dadku
ku daawadaan isaga iyo kuwa kale oo cuduro la mid ahi ku dhaceen.
Arrintani waxay ninkan ku bilaabatay mar isagoo dhallinyaro ah uu shil ku dhacay oo uu jilibka iska jaray. Dhakhaatiirta
caalamka ayaa illaa immika mucjisadan la yaaban. Geedahaas dushiisa ka
soo baxay awgeed, Dede wuxuu qabsan kari waayey hawl maalmeedkiisii iyo
shaqooyinkii guriga.
Dede shaqada waa laga eryey, gabadhiisina
way ka tagaty. Wuxuu koriyaa labo ciyaal ah oo uu dhalay, immika kurayo
ah, waana nin reekiisa oo dhami saboolnimana ku nool yihiin. Wuxuu iska
aqbalay inaan dawo loo heli karin cudurkiisa.

Inkastoo
qaraabadiisu taageersantahay haddana waxa loo geystaa aflagaado iyo
iyadoo laga maadaysto sida Ilaahay u gartay shakhsigaas.
Rajadiisa
ayaa immika soo noolaatay Dede ka dib markii dhakhtar Maraykan ah oo ku
takhasusay diirka (Dermatologist) uu isga dartii u soo dhoofay inuu
kula kulmo tuuladiisa oo xaaladiisa eego.
Dr.
Anthony Caspari oo wax ka dhiga jaamacadda Maryland ayaa sheegay inuu
fahmay waxa haya Dede, wuxuuna soo jeediyey dawo noloshiisa oo dhan
beddeli doonta.
Ka dib markii dhiig laga qaaday Dede, wuxuu Dr.
Caspari ogaaday in fayras la yidhaahdo HPV (Human Papilloma Virus) uu
masuul ka yahay xanuunka ninkaas. Fayraskan ayaa la sheegay inuu dagaal
kula jiro oo daciifiyey habkii uu Dede jidhkiisu isaga difaaci lahaa
xanuunada taasoo dhalisay inay iska koraan oo baxaan burooyinkan
jidhkiisa ka soo baxay oo geed oo kale noqdaan.
Dr. Kaspari waxa uu sheegay in Fayraskaasi uu afduubay “mishiinkii unugyada jidhka
sameeya”, isagoo markaas fayraskaasi khalkhal abuuray oo faraya jidhka
inuu soo saaro waxyaalo xadhaaf ah oo dhaliyey in sida geedka oo kale
uu Dede jidhkiisu laamo uga baxaan.
WARYA TV
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

