Soomaalida Islii Oo Idaacadaha Iska Baafinaya Iyo Wadaado Ku Biirey Xabsiyadda Kenya.

2010-02-04

 Ciidamadda Amaanka Dalkani Kenya oo wali wada baaritaano ayaa Xaafadda Islii ka kaxeystay Wadaado uu ka midyahay Farxaan Cali Dhinbil oo ay ku sheegeen inuu ka mid yahay Urur-ka Al-Shabaab ee ka dagaalama Gudaha Dalka Soomaaliya.

Ila xogagaal ah oo Shabakadda Caalamiga ah ee WaryaTv heshay ayaa sheegaya in Xabsiyadda Kenya ay ku jiraan Wadaado aad u fara baddan kuwaasoo Gacanta lagu dhigey xilli ay Masaajida ku Wajahnaayeen Xilliyadda Salaada oo qaarkoodna ka soo baxeen.

Farxaan Cali Dhinbil ayaa la sheegay inuu haatan ku jiro Gacanta Ciidamadda CID-da waxaana laga dayrinayaa Xaaladdiisa iyo halka uu ku dambayn doono.

Sikastaba ha ahaatee Xaafadda Islii ayaa u muuqata mid cidlo ah oo Soomaalida qaarna ka carareen qaarkoodna Guryaha ku xaraysanyihiin waxaana Maalinba Maalinta ka dambaysa sii kordhaysa cabsidda soo wajahaysa.

Warbixin Dheer Oo Iftiiminaysa Xaaladda Murugaysan Ee Ka Taagan Kenya Gaar Ahaan Xafadda Islii Ka Daalaco Goor Dhow WaryaTv.com

WaryaTv Nairobi-Kenya

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com