Dowladda KMG Oo Sheegtay Inay Weerarayso Mucaaradkeeda.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Maalmaha soo socda ay Weerar ku qaadi doonaan Goboladda Koonfureed ee Dalka Soomaaliya gaar ahaana Goboladda ay gacanta ku hayaan Xoogaga ka soo horjeeda si ay awoodooda u wiiqdo.
Wasiirka Beeraha Dowladda KMG oo u waramayay Saxaafadda ayaa shaaca ka qaaday in Dowladu Maalmaha soo socda ay weerar ku qaadi doonto Guud ahaan Goboladda ay Gacanta ku hayaan Mucaaradka Dowladda KMG.
''Ciidamadu Waa Diyaar Waxaana Hal Mar Ay Weerar Ku Wada Qaadi Doonaan Goboladda Ay Mucaaradku Haystaan Oo Ay Ka Midyihiin Jubooyin-ka,Shabeelooyin-ka,Hiiraan,Bay,Bakool Iyo Qaybo Ka Mid Ah Gobalka Banaadir,''ayuu yiri Maxamed Ibraahim Xaabsade.
Si kastaba ha ahaatee hadalka wasiirka Beeraha dowladda KMG ah Maxamed Ibraahim Xaabse ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo kahor munaasabad kadhacday magaalada Baydhabo ay ku midoobeen mucaskarka Raaskaambooni iyo ururka Al-shabaab.
WaryaTv Muqdisho-Somalia.
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

