Afhayeenka UDUB oo Qiray Inuu Riyaale Yahay Madaxweyne Sharci Darro Ah

2010-01-31

WARYA TV- Afhayeenka xisbiga talada waddanka haya ee UDUB, Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) ayaa markii ugu horreysay qiray in Daahir Riyaale Kaahin uu sifo sharci darro ah ku helay madaxweynanimada doorashadii April 2003.

 

Cali Gurey ayaa isagoo u warramaya wargeyska HAATUF  27kii bishan January sheegay inuu hayo caddeyntii warqaddii guddoomiyihii goobta Balli Calanle taasoo muujinaysa inuu Axmed Siilaanyo ka helay 460 cod hase yeeshee la diiday in loo tiriyo taasoo sabatay in Siilaanyo dhaco, Riyaalena khiyaamadaas madaxweyne ku noqdo.

 

Sida la ogyahayna natiijadii doorashadaas madaxtooyada, Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ee xilligaas waxay ku dhawaaqeen in uu Daahir ku helay 80 cod halka ay maxkamadda sare u xukuntay inuu Daahir Riyaale ku helay 220 cod taasoo isugeynta labadaa tiro ay ka yartahay tirada uu qiray Cali Gurey ee uu caddeynteedana hayo.

 

Arrintaa ayaa walaac badan ka abuurtay madaxtooyada taasoo kaliftay in maanta laga horjoogsado xarunta madaxtooyada inuu foodda geliyo Cali Gurey sida lagu baahiyey shabakadaha wararka ee Somaliland.

Cali Gurey oo muddo dheer ka mid ahaa xisbiga KULMIYE ayaan masuuliyiinta xisbiga hore u wargelin inuu hayo caddeynta ah in sanduuq ay ku jiraan 460 cod la diiday in loo tiriyo xisbiga KULMIYE oo uu ka mid ahaa.

Lama garanayo sababta ku kaliftay Cali Gurey inuu waqtigan shaaca ka qaado arrintaas.

 

Shabakadda dawladdu maamusho ee Somalilandnation.com oo soo xigatay waraysiga Cali Gurey ayaa laga biyo diiday in iyadoo dhammeystiran la soo daabaco taasoo lagu qarinayo hadalada xaqiiqada ah ee uu daaha ka feyday iyadoo soo xulatay intii ugu naxlisanayd.

 

Haddaba waxay su’aali ka taagantahay sharciyadda uu Daahir Riyaale ku fadhiyo illaa maanta mansabka ugu sarreeya ee Somaliland.


 

WARYA TV

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com