Maraykanka iyo Ingiriiska oo Taageero Cad u Muujiyey Siilaanyo iyo Meles Sanaawi oo Boolasha Ku Giijiyey Dawladda Daahir Riyaale

2010-01-21

 

Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa dhawaanahan ka gaabsaday  la xidhiidhka dawladda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Daahir Riyaale iyagoo u arkay inay tahay “mid aan heshiis iyo wacadtoona lala gali karin ka dib markii ay dawladdu bilowday fadqalale ay ka dhex waddo golaha guurtida dhexdiisa oo ujeedada ka dambeysa ay tahay in lagu wiiqo dib u dhacna lagu sameeyo geedi-socoda doorashada madaxtooyada” sidaa waxa ku caddaa qoraal dhawaan loo soo diray Jamaal Madar oo WARYA TV ay aragtay nuqul ka mid ah.

 

 

Safiirada Ingiriiska iyo Maraykanka ee kala fadhiya Kenya iyo Addis Ababa ayaa ku wergeliyey ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Meles Senaawi, inay “walaac badan ka qabaan in dilalka iyo xaalad abuurka kala duwan ee laga sameeyey meelo kala duwan oo Somaliland ka mid ah ay dhalin karto inuu waddankaasi [Somaliland] si fudud ugu biiro liiska waddamada fashilmay [failed states] taasoo haddii ay dhacdo amniga gobolka oo dhan khatar weyn gelin garta gaar ahaanna Ethiopia.”  Dawladda Ethiopia ayaa dhawaanahan xidhiidhkii diiraanaa ee ay la lahayd dawladda Daahir Riyaale uu sii xumaanayay ka dib markii reer galbeedku cadaadis xoogan saareen Meles Senaawi inaanu signal been ah u diran dawladda Daahir Riyaale oo loo macneysan karo “ inuu xukunka Riyaale iska sii fadhiyo isagoo gebi ahaanba aan fulin qodobadii heshiishka”.

 

Dawladaha reer galbeedka ayaa niyad jab ka muujiyey xaalad abuurka cusub ee dhawaan ka bilaabmay golaha guurtida ujeedada ka dambeysaana ay tahay in guddoomiyaha golaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, af-gembi lagu sameeyo oo lagaga qaado jagada guddoomiyanimada oo caqabad ku noqotay inuu Daahir Riyaale muddo kordhin ka samaysto golaha guurtida taasoo “ burinaysa is-afgaradkii la wada gaadhay [Memorandum of Understanding] ee la wada saxiixay kaasoo ku baaqayey in madaxweynuhu ka daayo fadqalalaha uu kula dhex jiro labada aqal ee baarlaman oo aanu ridin labada guddoomiye ee baarlamanka, golaha wakiiladuna sidoo kale ay laalaan maamuus ka xayuubintii madaxweynaha ee ay wadeen”.

 

Xogo Warbixineed (intelligence reports) ayaa la sheegay in ay ku tilmaameen dawladaha ka taakulayee Somaliland xagga geeddi socodka dimuqraadiyadda gaar ahaan dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka in “dilalka ka dhacay iyo walxaha qarxa ee la dhigay goobo ka mid ah Somaliland [Sheekh iyo Hargeysa] ay yihiin qaar shaki ku geedaaman yahay loona tarjuman karo, in dawladda Daahir Riyaale oo laga dhursugayey in ay keento qorshe dhammeystiran oo la xidhiidha sugidda amniga waddanka  oo dhan (Comprehensive Security Plan) inta aan doorashada madaxtooyadu bilaabmin, ay hadda bilowday qorshe lid ku ah kaas oo lagu mijaxaabinayo heshiiskii  is-fahamka ahaa ee waqtiga iyo dedaalka faraha badan loo galay”.  

Taliyaha saldhiga boliiska ee Koonfurta Laas Caanood Jaamac Cabdi Faarax ayaa caddeeyey in la maleegayo qorshe lagu damacsanyahay in lagu dilo isaga, kuwii hore ee la dilayna ay ka dambeysay xukuumadda Somaliland.

 

Waaxda Arrimaha Debedda ee Maraykanka (US State Department)  ayaa diiday inay casuumaad u fidiyaan dawladda Daahir Riyaale oo ay kaga daba joogto tii Axmed Siilaanyo loo fidiyey iyagoo codsigii ay qorteen loogu soo jawaabay inaanay ahayn “waqtigii saxa ahaa” ee dawladda casuumaad loo fidin lahaa balse “aad ku mahadsantihiin codsigii aad soo samaysateen oo aanu mustaqbalka tixgelin doono”. Hadalkaas oo ah mid dibloomaasiyad ku jirto oo ah diidmo qayaxan.

 

Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, Cawil Cali Ducaale, ayaa isna sidoo kale socdaal gaaban oo uu dhawaan ku joogay xarunta Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa wuxuu ka dalbaday fiise safaaradda maraykanka hase ahaatee loo “diiday” taasoo ka tarjumaysa in dawladda Daahir Riyaale ay ka soo taagan yihiin reer galbeedku iyagoo aad uga madloonsan wacad la’aanta Madaxweynaha iyo kuwa ku xeersan ee aan meel loogu soo hagaago la garanayn.


Waddamada bariga Afrika ayaa waxa ka holcaya dagaalo [eeg map-ka] meelo kala duwan oo ka mid ah sida Soomaaliya oo ay ka jirto dawlad taag daran oo aan iska caabin karin kooxaha mintidiinta ah ee magaca Islaamka ku dagaalama; dawladda Ethiopia oo dagaal qadhaadh kula jirta ONLF, koonfurta Suudaan oo damacsan inay ka go’do Suudaan inteed kale iyo Daafuur oo dagaalo kale ka socdaan, Yemen oo xasilooni darro la ciirciiraysa iyo Kenya oo aan weli si fiicanuga soo kaban colaaddii dhex martay qabiilo ka mid ah. Somaliland oo lagu tirinayey goob nabadeed ayaa immika ay walaac ka qabaan reer galbeedku in burbur ku yimaado oo dawladdii loo igmaday ay ka shaqaynaso iyadoo damacsan inay abuurto xaalad xasilooni darro ah si muddo kordhin loogu sameeyo. Arrintaasi si ay ugu suuragasho waxay  dawladdu iibsatay kala badh odayaasha golaha guurtida oo ay ku jiraan guddoomiye ku-xigeenka koowaad Sheekh Axmed Nuur Furre iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad si loo beddelo guddiga joogtada ah oo markaa loo beddelo xeer hoosaadka aqalka ee odhanya gudoomiyaha waxa lagu ridi karaa marka golaha sadeex meelood oo isleeg loo qaybiyo  labo meel ahaan (2/3), xeerkana loo beddelo cod hal dheeri ah si guddoomiyaha loo rido oo madaxweynahana sannad loogu dhufto.  Tallabaadaasina waa mid fidno abuur ah.

 

Wasiirka arrimaha debedda ee Ethiopia, Seymoun Mesfin, ayaa walaac ka muujiyey xasilloonidarrada ka aloosan gobolka bariga dhexe isagoo “ka dhawaajiyey in Al-Shabaab ay la wareegi doonto Somaliland iyo Puntland.

 

Warbixino qoto dheer oo ku saabsan xaaladda waddanka ka aloosan oo dhawaan laga guddoomay xubno firfircoon oo katirsan aqoonyahanada qurba jooga somaliland ee UK ku nool ayaa uu jawaab ka bixiyey  xafiiska arrimaha debedda iyo barwaaqasooranka ee boqortooyada Ingiriisku iyagoo sheegay inay aad uga xun yihiin “in dib u dhac dambe oo lagu sameeyo doorashadu dheg xumo u soo jiidayso Somaliland [eeg warqadda oo la soo gaabiyey]”

Waxa sidoo kale ay jawaab ka heleen xubnahaasi guddiga arrimaha debedda ee Ingiriiska oo warqadoodi halkan ku daabacantahay [eeg sawirkan]. Xubnahaasi oo uu hogaagimaniyey Jamal Madar  oo aanu isaga idin ka haysano iyo kuwa kale oo aanaan magacyadooda sheegi karin annagoo aan idin ka haysan awgeed waqtigan aanu daabacayno maqaalkan.

 

Jamal Madar oo ka mid ah aqoonyahanada qurba jooga somaliland oo dhawr baaqyo ah dacwad ka qoray madaxweyne Riyaale loona diray dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiskaba kuwaasoo ku baaqayey in lagu soo rogo madaxweynaha iyo kuwa ku xeersan ee ugu dhaw in xayiraad xagga fiisayaasha ah lagu soo rogo isla mar ahaantaana laga xayiro lacgayowga iyo hantida ay ummada ka lunsadeen ee lagu dhigtay magacyada kale.

 

Madxweyne Riyaale ayaa 19kii bishan January markuu ogaaday halka ay ka taagan yihiin dawladaha reer galbeedku ku sifeeyey dawladda maraykanku inay tahay cadwga Somaliland oo aan mudnayn in la gacan qaado. Hadalka madaxweynaha ka soo yeedhay ayaa fajaciso ku noqotay dawladda maraykanka.

Xulashada Shabakada


WARYA TV

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com