Siilaanyo oo La Yidhi Waddanka Ma Soo Gali Karo Ee Waa Inuu Cafis Soo Qortaa
WaryaTV- Wasiir ku xigeenka Somaliland, Axmed Keyse, ayaa Tv-ga dawladda ka sheegay caawa in Axmed Maxamuud Siilaanyo aanu waddanka soo geli karin illaa uu warqad cafis ah soo qorto mooyaane.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidmada qaranka amar lagu siiyay inaanu guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE waddanka soo geli karin iyagoo ku eedeeyey inuu Soomaaliweyn aaminsan yahay.
Daahir Riyaale oo dawladdii Maxamed Siyaad Barre ahaa hadhaagii ugu dambeeyey ee firxadkooda ka soo galay Borama dhinaca Laas Caanood ayaa ku eedeeyey ninkii Somaliland xoreeyey inuu yahay nin aaminsan qaddiyada Soomaliweyn..
wixii faahfaahin ah waan idinla soo socodsiin doonaa
WARYA TV
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

