Faaqidaada Ciyaaraha Horyaalada Yurub & Koobka Qaramada Africa.
2010-01-17
Horyaalka dalkaasi Inigiriiska oo shalay ilaa xalay la ciyaaray ayaa waxaa kulamadii ugu xiisaha badnaa ay dhex mareen kooxda Chelsea iyo Sunderland oo lagu naynaaso Black Cats. Ciyaartan oo aheyd mid ay kooxda Chelsea ku gacan sareeysay ayaa waxay si arxan darro ah ugu tumatay Sunderland, ka dib markii ay faraqa ugu shubeen in ka badan nus dersin goolal ah 7-2.
Waxaana goolashaasi u kala sixiixay N. Anelka 2 gool, F. Lampard 2 gool, Ashley Cole, Balack iyo Maluda.
Sidoo kale, waxaa iyana boorka iska jaftay kooxda shayaadiinta cas cas ee Manchester United, kuwaasoo iyana qeybtii labaad ee ciyaarta 3 gool ka dhaliyay kooxda Barley, waxaana goolashaasi u kala dhaliyay Berbatov, Rooney iyo laacibka ku cusub naadiga ee Diouf.

Kooxda Everton ayaa waxay afka ciida u gelisay kooxda la loodin waayay waayahan ee Manchester City, ka dib markii ay is bideen awood ah inay ka itaal roonaadeen kooxihii dhiggooda ahaa sida Tottenham, Everton, Blackburn iyo Aston Villa. Isla markaana ay iska dhaadhiciyeen inay wax la qeybsan karaan The Big Four-ka horyaalka ingiriiska, sida Chelsea, Man United, Arsenal iyo Liverpool. Haddaba, Everton oo xalay cashar culus siisay Man City ayaa waxay uga badisay 2-0.
Liverpool oo u muuqata weli koox ay ka cadahay ayaa shalay gool iyo gool la dhaafi waysay kooxda Stoke City. Waxaana laga cabsi qabaa in tababaraha Liverpool uu gebi ahaanba seego shaqadiisa, maadaama xilli ciyaareedkan ay aad u liidato tababarnimadiisa.
Dhinaca kale, Horyaalka Talyaaniga oo isna la ciyaaray ayaa waxaa aad u sigatay kooxda hogaanka haysa ee Inter Milan kuwaasoo 2 gool oo laga dhaliyay qeybta dambe ciyaarta iska soo guday, waxayna ku kala bexeen iyaga iyo Bari 2-2.
Dhanka kale koobka qaramada Afrika oo si xiiso leh uga socda garoomada marti geliyayaasha dalkaasi Angola ayaa waxaa shalay ilaa xalay wada ciyaaray Group C . Xulka qaranka Nigeria ayaa lugteedii labaad soo noolaatay ka dib markii shalay ay 1-0 dhibcaha uga fara marooqsatay xulka Benin. Waxaana gool rigoore ah uga fujiyay laacibka Everton u ciyaara ee Yakubu.
Ciyaartii xigtay ayaa waxaa wada yeeshay Xulka haysta horyaalnimada ee Eygpt iyo Mozambique. Ciyaartan ayaa xulka Masar waxay si fudud tigidhka ugu jarteen wareega xiga ka dib markii ay 2-0 ku karbaasheen xulka Mozambique.



C/raxmaan "Helos"
Isku Duwaha Isboortiga
Waryatv
helos69@hotmail.com
© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

