Daalim intuu umad xasuuqey intii ka badbaadey la ooyaya, Sababtuu ula ooyayey.‏

2010-01-15
Waxaa la yidhi bahal ceedhin ma daayo oo nina caadii ma baajo, bal dad allaw ninka maalin walba dalkan yare dadkiisu waxay u soo mareen la ogaa ee nacas nimada loogu dhiibay doonaya waxii ka hadhay in uu u laablaabo eega.
Waxaa layidhi nin daalin ahaabaa berri  reero ragii ka maqanyahay oo maato iyo caruuri joogto hellay dabadeedna wuu rogay oo colbuu geliyey waxaa ka baxsaday in yar in tii kalana way lee,atay dabadeedna intii yarayd ka baxsatay oo ooyeysa ayuu hadana helay  isna wuu ooyey dadkii baa ku yidhi war daalinaw maxaad la ooyeysaa ileyn anagu waxaanu la ooyeynaa waxaad samaysaye, waxuu yidhi waxaa la ooyayaa intiinaa yar siday iiga baxsatay oo welli sii nool.
Dadka reer Somaliland ee maantaa joogaa waa intii ka hadhay xasuuqii taliskii siyaad barer miyeynu isku diidanahay taa jawaabtu waa maya ina  reyaale waxuu ahaa kornaylkii nabadsugida ee berbera waxuu joogay oo uu qayb ka ahaa maalmihii dadka qoorta lagaga goynayey mindida mariidka ah waxaanu ka mid ahaa kuwii go,aankaas gaadhay ee gudidii nabad gelyada,waxuu joogay oo xukunkaa dhacay kuwa gaadhay ka mid ahaa maalintii markabkii mastaafuriska ahaa ee jidda laga keenay la kala saaray ee waxii isaaq gooni loo saaray dabadeedna meel ay raq iyo ruux ay ku danbeeyeen aan ilaa maanta lahayn.Miyaanu ahayn ninkaas in tii ka baxsatay ka daba ooyaya ee sidii uu u layn lahaa falawgeed haya.maantana waxuu ogaaday in commission dhexdhexaad yahay oo laaluushkii iyo qudhun la wareegayey uu marsiin waayey ayuu waxuu damcay in hadana nacasnimadiisa guurtidu dib ugu jadiidiso intaan commisionku caday maalinta doorashada, taana uu ka horaysiiyo ridista dhugad iyo saleebaan.Waxaa la yidhi dawaco halkay macal ku baratay ayey macaluul ugu bakhtitaada u malaynmaayo in badan oo hore ayey kuu shaqaysay ee inay maantaa kuu shaqaynayso
Waxaase aan waxba ahayn kuwa ilaa maanta oo dadwaynihii somaliland ogaadeen daba socda ee uu soo dirayo sida kan fure la yidhaaho ee uu soo furaystay.
Xildhibaan dhugad maanta laguma barane horaa laguu yaqaanay maalmihii ugu kululaa ee dadkeenu dabka saaraa ee snm iyo ciidankii siyaad barre is hayeen wuxuu ahaa rukumadii ay snm ku taagnayd ee waxuu maal iyo rag iyo baabuur lahaaba u huray,waa ragii go,aanka wax ku oolka ah lahaa xagay jireen maalintaa kuwan  ay imminka is haystaan
waxuu ahaa maalintii ciidankii siyaad barre damcay inuu xagga ogaadeeniya inaga soo galo oo sandwich laynaga dhigo ragii sutitida u qabtay ciidankaas jabhadaysnaa ee siyaad barre waday waa ninkii ay hororkii ciidankaas watay  ay is haleeleen ay laysu dhaartay ee uu hororkaasi  yidhi berkadaada tuuryo ayaa qayb la ii siiyey markii xoolaha isaaq la qaybsaday, ee isna uu yidhi bakhtigaaga ayuun baa berkadaa la ag dhigi ee ay sidii noqotay ragani xagay jireen maalintaas.
waxaanu leenahay xidh ilaa uu imanayo gudoomiyihii waxaa la yidhi karis xun iyana wax kula laaluushba maxay u soo qaadan
abdulalim
UDHIS UK
abdulalim55@hotmail.com
Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2013 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com