Dhul Gariir Siyaasadeed Oo Ku Soo Fool Leh Somaliland..” Guddoomiyaha Kulmiye Ee Australia

2010-01-10

Somaliland waa wadan yar oo curdin ah oo aan wax aqoonsi ah ka haysan beesha caalamka isla markaana  labaatankii sano ee ugu dambeeyayba ku hawlanaa dib u dhis balaadhan oo u qaybsan laba qaybood ,

 

a)- dhismaha dalkii bur buray iyo baahiyihii aas aasiga ahaa oo laga soo bilaabayay meesha ugu hoosaysa ilaa hadana lagu gudo jiro  meel fiicana inoo maraya,

b)- dhismaha nidaamkii dawlad nimo iyo hana qaadka dimoqraadiyada oo ah wax inagu cusub , ilaa hadana aan la gaadhsiin halkii lala rabay.

 

Sidaas aawaded shacbiga s/land waxay filayeen in mudadaasi ay ka gudbaan caqabado badan oo marar hore soo maray hadase waxay u muuqataa in xaajadu u eeg tahay wixii hore loo soo maray oo markale dib loo jaleecayo halkii laga filayay  horu socod,

soomaalidaa ku maah maahda ninka aan waxa soo socda garani wax jooga ma garto, sidoo kalena suugaanta somalida ayay ku jirtay hees ereyadeeda ay ka mid ahaayeen

 

'NINKA UGU IL DHEER BAA DADKA UGU AYAAN DARRAN, WAXAAN LALA ARKAYNBAA ISAGUUN U MUUQDO"

 

waxaan uga socdaa taas sanadkii ina dhaafay ee 2009 waxay dadka reer somaliland u xadhko xidhnaayeen inay doorasho galaan oo ay codkooda ku doortaan cidda ay u doorbidaan inay hogaamiso  saddexda murashax ee u taagan jagada madaxtinimada dalka iyo ku xigeenadooda,  balse taasi may dhicin si kasta oo xaalku ahaaba waxa  doorashadaa sanadka dhan la sugayay ee ee qabsoomi wayday eedeedu sida kubadda u dhex wareegaysay dhinacyadan ; Xukuumada Rayaale, Commisionkii is casilay, Deeq bixiye yaashii lacagta doorashada ina siinayay iyo axsaabta. Shacbiga s/land na xaaladoodu waxay ku soo ururtay laba daran kala dooro o way ku jaha wareereen cida ay garta siiyaan iyo cida ay gardarada saaraan, jahawareer kali ah lagagama hadhin ee iyagii ayaa la iska soo horjeediyay oo dhinacyada suyaasadu kala adeegsaden waana tii keentay markii golayaasha baarlamaanka dalka albabada loo laabay inay dadwaynuhii mudaharaadaan kadibna rasaas nool; loogu jawaabay oo qaarna la laayay kuwo kalena dhaawacmeen, sidoo kale waxa coloobay qaybo badan oo ka mid ah bulshada rayidka ah oo iyagoon waxba isugu iman dagal siyaasadeen oo dhinacyada kala taageer sani dhex maray mararka qaarna gacan ka hadal hoose dhex mari jiray.

 

 sanadkaasi oo dhami shacbiga reer s/land wuxuu ugu dhamaaday iayagoo noqday hashii laba midigluhu uleeyay ee aan dhinacna u fayoobayn,

hase ahatee markii la soo gaadhay curashadii sanadkan cusub waxay filayeen in wa cusubi u soo iftiimay oo khilaafaadkii so gabo gaboobay  doorasho xor iyo xalaal ahna la gali doono maadaama la bedelay gudigii doorashooyinka, isla markaana gudigan cusubi sheegeen in gaaladii bixinayso lacagihii dhankooda ka imanayay, murankii siyaasadeedna hoos u dhacay.

 

Laakiin waxa aan shaki ku jirin in riyadasi tahay waxba kama jiraan, oo ay hadda soo fool leedahay mar xalad cusub oo dhul gariir siyaasadeed ku ridi karta s/land.

 

Taasi oo aynu ku sharxi karno ifafaalaha muuqda iyo aragtida fog ee uu arki karo ruuxa murayad caafimad qabta ku eega mustaqbalka dalkii hooyo, ha u malaynina inaan aragtidayda ku aas aasay fikirka dhinaca qaldan balse waxa biyo kama dhibcaan ah  in heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee waagii dhawaa lagu dhex dhexaadiyay asxaabta siyaasada  aanu lahayn xuduud xakamaynaysa mudada doorasho lagu qaban karo ee ay xilka sii haynayso dawlada hada jirta.

 

commisionkan doorashaduna waxay u muuqdaan inay ka faa iidaysanayaan taas oo aanay kuba jirin wax dar dar galin ah iyo diyaar garaw doorasho, Deeq bixiye yaashii qaadhaanka lacageed inoogu yabohi jirayna waxa iska cad inay  lacag ku bixin karaan oo kali ah iyagoo ku qanca waxa ka soo baxa diiwaan galintii ay lacagta faraha badan ku bixiyeen, hadii kalena aanay u fadhiyin inay bixiyan lacag kale oo faro guud kood ku lunta oo aan wax rasmi ahi ka soo bixin, iana rayaalena uu iska sii macaansado kursiga dhib yaranta ku soo galay ee uu mudada dheer hadhsanayay.

 

Waxa taasi ka sii daran marka ay mudadu sidaas ku jiitanto ee wakhtiguna is guro waxa soo baxaysa khilaafyo horleh oo kadhasha golayaasha sida kan iminkaba ka taagan golaha guurtida ee ciyaartii u dhexaysay rayaale iyo saleebaan

 ay gashay garoonkii guurtida ee mudanayaashii la iska horkeenayo xeegaduna tahay kii roonaada ayaa reerka u hadhaya iyadoo salka ku haysa in mudo kordhin la sameyo iyo in xilka qadis lagu sameeyo xukuumada hadii doorasho dhici waydo.

 

Waxayse taasi cirka ku laalmi doontaa oo xaajadu murgi doontaa hadii aan ILAAHAY inaga soo gaadhin, marka dhawr bilood ka dib aya dhamaato mudadii xilka golaha wakiilada loo soo doortay oo ay iyagoo awal hore qayl qaylin jirayna toodu aamusiiso.

 

Guurtidan hada ciyaartu ka socotana soo gabo gabawdo mudadii  ina rayaale u kordhiyay, iayagana afkoodu juuqda gabo xaaladuna noqoto ninkii miyir qababa la hadal.

 

Sawirkaasi hadii aynu milicsano ma jiri doono gole kali ah oo ka hadla danta umada sababtoo ah mid kastaba waxa la toosnaan doonta kursiga uu sharci darrada ugu fadhiyo ee mudadiisii dhamaatay,  waa ta aan leeyahay fiintu waxay ka ooydaa waxa soo socda e shacbiga reer s/land ha ka sii mel samaystaan xaalada murugsan ee soo foolka leh, gabo gabadii aan idinku dhaafo

xalki ma wuxuu noqon.

 

1- in la isla amuso oo doorashoba halkaas lagu dhaafo.

 

2- ma wuxuu noqon in xisbiyada mucaaradka ah oo kali ahi arinta ka hadlaan oo ay waayaan gole sharci iyo mid kale oo ka garaba waxa ay ka hadlayaan.

 

3-ma waxay noqon in shir beeleedkii dib loogu noqdo  oo nidaamkii aynu ka soo gudubnay.

 

4- mise wax kale oo ka duwan ayaad xalka u haysaan. jawaabtu waxay u taalaa aqoon yahanka iyo wax garadka  reer s/land.

 

 

Mustafe Axmed Cali

Gudoomiyaha Kulmiye ee Australia.

Sydney-Australia

 

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2013 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com