Nin Tahriiba
Qore: Mohamed Gacan Waa gabay taabanay xaalada nolosha iyo saadaasha labada qof ee kala
jooga wadankii iyo kan jooga qurbaha oo midiba ka kale tuhmayo ,
Noloshu waa sida kaluunka bada ku jira oo marka shabag loo daadiyo kan
shabaga ku jiraa waxa uu yidhaahdaa ilaahayoo mar uun yaa ka bixiya
shabaga kan dibada joogaana ku hamiyaa inuu shabaga galo, Qofka qurbaha
jooga waxa haysta durufo nololeed oo • La jaanqaadidida nolosha Cunto oo ah lafdhabarta qofka aadana ah oo ka duwan tii uu horey u
cuni jirey in uu had iyo jeer ka warwaro waxa uu cunayaa waxa ay
yihiin, diintu ma ogoshay mise ma ogola? su'aal had iyo jeer ka guuxda
maskaxda qofka qurbaha ku nool , dharka oo ah ahmiyed aad u wayn oo aan
sidaa ugu waynayn qofka aad la dariska tahay nin, naag ,ilmo, waayeel ,
iyo dhamaan bulshada, cawro waxii aad u taqaanay oo aan ahayn , meelo
loogu tala galay in la qariyo jirka aadanaha oo qaawan , sida aad
dhulka u eegayso si aad uga badbaado cawrada aadanaha marmar aad
gidaarada jidho ama aad ku talaabto ishaaro xidhan aadan ku dhawaato
inaad khatar u gasho Nolosha • Maaraynta nolosha Waxa la qaataa cayr, ama qof shaqeeya qatana mushahar ku filan
nolosha caadiga ah ,qof qaata mushahar kan dabaqada dhexe ah oo ah kuwa
ug wanaagsan ahna dadka nasiibka u helay inay wax bartaan kuna
shaqayntaan aqontooda oo ah dad aad u tiro yar marka loo eego bulshada
inteeda badan , hadaba kuwana waxa dhibato haysta maraynta nolosha
sidii ay iskugu dheelei tiri lahaayeen lacagt asoo gasha iyo tan ka
baxaysa ugana samayn lahaayeen dhigaal , waxa laga rabaa • iyo hami wadan Qofkasta oo qurbaha joogaa waxuu jecel yahay inuu guri ka dhisto
wadankii uu iska laabto hadii daruuf u samaxaysaa jirto oo uu kaga
maarmai karo noloshan qurbaha ee leh maanguurinta ,maskax ciyaalaynta ,
jahawareer aadan garnayn Noloshaadu meesha ay ku danbayn doonto iyo
meesha ay u socoto , Kan wadanka jooga waxa hayta • Hami nololed Qofka wadankii ku nool waxa agtiisa buuxa been abuur aad u badan iyo
fiiro gaara oo u siiyo hadalada buufinta ah ee maskax maydhida ah ee
laga sheegayo nolosha qurbaha kuna taamaa inuu gaadho himilo ay ku
dheehan tahay nolol wanaagsan, aan lahayn carqalado nololeed
,gaajo,hu',labis marka laga reebo uu helayo seero aad u baladhan oo ay
kujiraan dhamaan kaabayaasha nolosha aan lahayn warwar ,wareer,iyo
fikir nololeed uu gadhayo jano gaaban • Aduun raadin Qofkasta oo dalkii joga waxa hamigisia kujira inuu qurbaha tago soo
shaqaysto oo uu soo tabcado lacagta badan ee qurbaha taal , ka dibna
uu kusoo laabto dalka uu ka samaysto nolol wanagsan oo dhaanta tan uu
hada uu ku nool heer kasta oo ay gadhsiisan tahay ilayn isha aaduhu ma
daashee,hamiga aadanahuna ma dhamaado ilaa inta uu ka dhimanayo wax
uunbuu tamaniyaa • Aaminaad la,aan Waxa jira aaminaad la,aan baahsan oo saamaysay dadkii joogey dalkii
qofkastaana uu doonaya inuu qurbaha dago nololkasta haku haysta
wadankii iasaga oo ak baqaya in uu burburo dalku uuna ka samato baxo
noloshan ku dhisan warwarka ee taala dalka kuna nagado nolosha bila
warwarka ah ee taala qurbaha sid auu aamina san yahay • Ma shaqayste nimo Qofkasta oo wadankii jogaa ma rabo inuu shaqaysto isaga oo ka suga
lacag dad kale oo ku jira nolol adag oo qurbah ah iyada ooo ay buuxaan
wax laga shaqeeyaa aya hadana ay ka cawdaan dadka wadanka joga shaqo ma
jiraan tusale ahaan qofka askariga ah nolosha uu ku haysto halkan iyo
mushaharka uu qaataa waxa ay ku salaysan yihin nolosha halkan waana
darajada ugu hoosaysa nolosha cadiga ah ,marka la barbardhigo
kanwadankiina isku lacag ayay qaataan lakin wax kala duwan qiimah ay
ledahay lacagta la siiyaa oo ku xidhan mesha u joogo iyaduna sidoo kale
waxay ku salaysan tahay hadba nolosha u ku noolyahay qofkan waayo
qiimaha 1kg oo bariis ah wadankii inta uu ka joogo ,halkan kama joogto
isna waa midi la socda oo ku salaysan nolosha caadiga ah ee halkan
qurbaha ama wadakii Sidee layskugu maaraynkaraa si labadadaba wax loo fahan siiyo ama
loo hogo tusaaleeyo mid walibana looga saaro xayndaabka nolosha ee ku
gadaaman • Doqon iyo nin tiiciyo • In la tago qurbaha iyo • Taam yeel alahayoow • Ninkii qurbaha tagay • waa nolol tusaale ah • intaad tamarta haysee • labadaasi kala tagay
Sunday, January 03, 2010
Nolol cusub oo leh jahwareer aduunyo ka duwan tii uu horey ugu
noolaa ee hawadeedu saafiga ahayd aan lahayn qiiq hawada lagu sii daayo
jacbur nololed sheeko aan kala go,lahayn dadkii oo wada garnaya salaan
diiran iyo ixtiraam hadba heerka nolosha uu tagan yahay ku xidhan
laguna qadariyo qofka aad tahay tan uu hada soo galayna amaba uu ku
nool yahay ay tahay mid aan sidaas qofkan loo daryeelin wax kasta oo ad
tahay aad ka tahay qof madow, qaxootiya, nolol raadisa soo laaqay
dalkiisii oo layska kaa ilaaliyo laguguna shaqaysto inta aad karti
leedahay hadhowna laguu bixiyo magac layidhaa
(batient,arbeitlos,eltern,weichio)waynaaday ,shaqayn karin ,gaboobey
,waayeel
• Dhaqan la qabsi
kiro,laydh
,biyo,caafimaad, cunto,warbarasho baabuur raac qofkii leh (balwad )sida
jaad ,sigaar ,iyo waxyaalo kale oo qurbaha loogu yimi
waxa warwar ku
haysa qofka sidii uu noloshan ugu maarayn laha lacagta soo gasha ,waxa
intaad dheer biilkii loo dirayay wadankii oo isagauna jogta ah ayna ku
lifaaqan tahay masiibada kusoo darsoonta nolosha cadiga ah oo laga rabo
qofka qurbaha jooga
• Tusmo iyo ujeediyo
• waxa iga tusaala ah
• inta tugan dalkiiyee
• caqligoodu taam yahay
• kuna taama yuun wali
• nin tahriiba mooyee
• haday cidiba taag qaado
• nin taag dareeyiyo
• tabar darane mooyee
• haday cidi tukaanayso
• la tahriibo mooyee
• hadii calaf la taabtaaba
• Doolar tooska buuxiyo
• lacaguun la tiriyiyo
• aduun koo la taabtiyo
• tuwaynoo la qaadaa
• kali uun qurbaha tugan
• hamigayga oo tabi
• inaan qurbaha tago
• oon tiriyo lacagtaa
• iska taal gidaarada
• toobin wayn u qaatoo
• utabiyo wadankii
• tu kalaa haleeshoo
• cilmigii la tabin jirey
• aqoontii taxnaydee
• ilaa tiro awowyaal
• tixmaaluun ku hadhi jirey
• laga sii talaabsaday
• tu kaloo ku dayasha ah
• loo talaabsanaayoo
• qurbuhuun la tugan yahay
• caydhuun la tiriyoo
• laga tagay dad nimadii
• barafkuna ku tuulmoo
• tacabkii khasaaroo
• kaligii hirwada tuma
• hamigii ka tagayoo
• turuquun la maaloo
• meel sare adoo tagay
• cilmigaagu taam yahay
• la tixgalin aqoontaa
• sifahana ka tahay uun
• qaxooti tabaaliyo
• tamar daro ku raagtoo
• tayadiis gafnowdoo
• aan lahayn tixmaaloo
• taariikh lagu aqoonoo
• tafahiis madow yahay
• ka tilmaaman umadoo
• sidii tuka canbaarlaad
• hadba toox u joogsani
• muruqaagu taam yahay
• waad tiirin barafkoo
• ku tashani xamaal nimo
• hadii turuqu liicoo
• lagu wada tigtiga oo
• tamar beesho kaligaa
• waad timaaman tahayoo
• lagu tuuri ood tabi
• wadankaagii tagidii
• tilmaant iyo halkeebay
• tuducdoodu joogtaa
Mohamed Gacan
E-mail: gacan70@hotmail.com