Doorasho dambe oo rayaale waa side?
2010-01-04
Doorasho dambe oo rayaale waa side?
Rayaale toddoba sano oo been ma ugu dari karaa shan kaloo been ah,muumin
laba goor god laguma qaniino
1. Wuxuu yidhi rayaale, tabtii cigaal ayaan raacayaa ,sawdiga fooqa
cusbitaalka agtiisa ka dhistay, cigaal daarihii aabihii ayu dalka u
iibinjirey
2. Wuxu yidhi: caddaalad ayaan ka shaqeynayaa , maxkamadaha ma ka warheysa.
3. Wuxuu yidhi: ciidamadaan hagaajinayaa, meeye darajadoodii iyo
mushaharkoodii
4. 50ka million ee doolar ma xanaanooyinka unicef sameysay ayaad gelisay.
Been weynaa
5. Briijkii hargeisa lacagtiisii xaggaad geyseen.
6. lacagtii miisaaniyadda lagu daray 3jeer ee giimbaarta burco lagu
beddelaayay maxaad u beddeli weyday meedey se.
7. waddadii laaamida aheyd ee burco-oodweyne-hargeisa 10ka jeer aad camuudda
dhigtey ma sameysey. Ma been ayey aheyd.
8. tii ceerigaavo iyo camuudii weli sawta taal, goormaad sameyneysaa, maxaad
beenta u sheegeysaa , haddaanad qaban kareyn
9. -warshadii sibidhka aad dhegaxa dhigtey 3jeer, goormaad bilaabeysaa,
maxaad beenta u sheegeysaa.
10. kambaniyadii faransiiska, jarmalka ee aad sheegtay ee ina maalgelinaayay
meeye. Maxaad beenta u sheegeysaa
11. isbitaalkii oodweyne iyo gabiley meeye. Maxaad beenta u sheegeysaa
12. labada taliye ciidan ee aad burco u sameysay, horey ma loo arkey. saw
isku dir iyo kala qaybin maaha
13. ma dadka tahriibey ee xeebaha ku halaagmey ayaad eedii saartey shacabkii
madaxda kaa dhigtey ee aad hagi kari weydey . kalmad xun moyaane , kalmad
wanaagsan weli ma sheegtey
14. ma nimankii kula baratamaayey ayaad nacasyo ku sheegtey. Ma minted
ayuunbaad ku jirin
15. ma kaas ayaa mar labaad dooraneysaan , waa haddaad munaafiqiin tihiin,
dalkiina iyo dadkiinana aydaan waxba ku faleyn
Cali xassan faarax