MAXAA SEDDAX KITAAB LOOGU DHAARIYEY CABDI QEYBDIID …..!? Qalinkii Abukar Albadri
MAXAA SEDDAX KITAAB LOOGU DHAARIYEY CABDI QEYBDIID …..!? Qalinkii Abukar Albadri
Maqaal,
Stockholm – Waxaa i cajab geliyey markii aan daawaday qaabkii loo dhaariyey wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee dowladda Soomaaliya Md. Cabdi Qeybdiid oo maalmo yar hortood ahaa taliyihii ciidanka Booliiska ee dowladda.
Indhaheyga oo marba si aan u dhigayyey ayaan si aad ah ugu eegay Cabdi qeybdiid. Kaddibna waxaa ii soo baxday in dhaarintiisu ay astaahisho inaan intaan qalin qaato wax ka iraahdo.
Magiciisu waa Cabdi Xasan Cawaale oo caan ku ah Naaneysta “Qeybdiid” Waa Gaashaanle hore oo Ciidamada ah, hadeerna waa Janaraal, waana maddaalaha ka soo haray dhammaanba raggii hubka qaaday 1991 ee ka soo qeyb qaatay ridistii dowladii Soomaaliya ee uu hogaaminaayey Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Cabdi Qeybdiid wuxuuna ka soo qeyb qaatay dhammaanba wixii dagaalo ama qalalaase ahaa ee dalka ka dhacay ridistii Siyaad Barre kaddib. Wuxuuna ku soo shaqeeyey Masuuliyado kale duduwan oo uu kula soo shaqeeyey rag ka kala geddisan oo soo maray masraxa siyaasadda Soomaaliya.
Inta aanan guda galin ujeedka maqaalkeygan waxaan xusayaa inuu Maddaale Cabdi Qeybdiid yahay nin hibo gaar ahaaneed u leh inuu ka soo haro nin walba oo uu la soo shaqeeyey, welibana isaga aan laga soo harin inuu qof ka soo haro mooyee.
Md. Qeybdiid Wuxuu la soo shaqeeyey Jan. Caydiid oo uu u ahaa Xoghayihii Arrimaha dibadda ee SNA, qilaaf sokeeye kaddib wuu ka soo haray. Wuxuu la soo shaqeeyey Cismaan caato oo ay ka wada jabeen hogaankii Jen. Caydiid, isna wuu ka soo haray.
Wuxuu sidoo kale la soo shaqeeyey Dowladii Cabdi Qaasim Salaad oo uu ka ahaa taliyihii Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir, isna wuu ka soo haray. Wuxuu la soo shaqeeyey Cabdulaahi Yuusuf, isna wuu ka soo haray oo raggaasi midkoodii geeriyooday iyo kuwa noolba wada tageen, Laakiin Qebdiid wuu soo haray oo lagama soo harin.
Md. Qeybdiid wuxuu maanta la shaqeynaya ninka darawalka ka ah tareenka haatan socda ee Dowladda KMG-ka ah, waa Madaxweyne Sheekh Shariif, haddii uu Malakul Mowdku daayana way muuqataa inuu isaga ka soo hari doono marka uu Shariifku tago, inkastoo aan la hubin sida uu ula shaqeyn doono Alshabaab haddii ay la wareegaan hogaanka dalka. Inkastoo Qeybdiid uusan tab u weyn doonin uu wax kula qeybsado Shabaabka haddii ay fagaaraha isugu soo haraan.
Aan u soo dhaadhaco qormadeydan. Aan wax ka iraahdo sababta aan u qalin daarayo dhaarinta Wasiir Qeybdiid. Aan qaadaa dhigo sababta aan is leeyahay waa loogu dhaariyey seddax kitaab oo dhan, maadaama dhammaan masuuliyiintii isaga ka horeeyey lagu dhaariyey min hal kitaab oo qura.
Arrimo badan ayaa xiiso leh. Qofkii horey u ogaa wixii dhex maray Cabdi Qeybdiid iyo kooxdii uu ka mid ahaan jiray Wasiirka caddaaladda Md. Janaqow ee Maxaakiimtii midoobay, misena arka muuqaalka goobta wuu xiiseynayaa.
Janaqow inkastoo uu dhaarinaayey Qeybdiid haddana wuxuu maanka ku haayey in ninka uu dhaarinaayo uu yahay nin hal adag oo macangeg ah oo ay dagaalo lagu hoobtay ku wada galeen Muqdisho bartamihii sanadkii 2006-dii. Wuxuuna xusuusnaa inuu Qeybdiid yahay nin dheela noocyo badan oo turub ah oo ay ka mid yihiin Shaanis-ka, Firada iyo Iskaalada Siyaasadeed iyo Shaxaha waqtiga intaba. Dhaarintii ahbintu la socotayse u ekeydaa “Qeybdiidoow naga qallee”
Iyadoo ay wasiirka Cadaaladda iyo Madixiisii hore Maxaakiimtii Islaamiga Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah Madaxweynaha dalka ay maanka ku hayaan inuu Qeybdiid yahay nin rag iyaga ka miisaan culus wax la soo wadaagay misana kaga soo haray fagaarayaal siyaasadeed oo kala duwan, ayey ku fekereen inay dhaarintiisa ku lifaaqaan AHBIN, waxaana muuqata inay ku ahbiyeen hab soo jireen ah oo ay Soomaalida isku ahbin jirtay. Kaas oo ahaa in seddax kitaab la isku dhaariyo ama seddax xariiqmood laga dul tallaabsado adigoo ku dhawaaqaya “Wallaahi, Billaahi, Tallaahi” Mase ogi inuu Qeybdiid fahamsanaa arrinkaas iyo in kale.
Maxaa keeni kara ayaad akhriste is leedahay inay Shariifka iyo Janaqow iska ahbiyaan Cabdi Qeybdiid?
Marka koowaad Waxay ka soo kala jeedaan Mudulood iyo Murusade oo ay Madarkicis ku xifaaltammaan Muqdisho. Marka labaadna Cabdi Qeybdiid waa hogaamiye kooxeedka kaliya ee ay beeshiisa dhammaanteed taageersan tahay. Gar iyo gar darro, qalad iyo sax, dan iyo dan la’aan intubana waxay la gara taagan yihiin taageeradooda hiil iyo hoo. Waxaana u sii dheer cilmigiisa xaga dibindaabyooyinka.
Aan arrintan caddeeyo.
Seddaxdii Bishan Diseemba, maalintii qaraxii gar darrada, damiir xumida, arxan la’aanta iyo xanuunka badan kulansaday lagu weeraray xafladdii qalin jabinta aheyd ee hote Shaamo ayey dadka ku abtirsada beesha Sacad ee Habargidir waxay isla maalintaas dhigeen banaanbax ay ku diidanaayeen xil ka qaadista Cabdi Qeybdiid oo markaas laga qaadayey xilka taliyenimo ee Booliiska.
Inkastoo laga yaabo in abaabulayaasha banaabaxaasi aysan la socon xasuuqa Shaamo Hotel, haddana arrinta si gaar ah bey xiise u leedahay.
Waa hubaal inay Soomaali oo dhan u adeegayeen kana dhinteen Dr. Ibraahim Xasan Caddow iyo dhaqaatiir badan oo goobta lagu laayey, haddana Caddow iyo rag kale oo meesha ku shahiiday bulshadana wax gal u ahaa iyo kuwo aad loogu dhaawacay oo uu ka mid yahay Dr. Maxamed Maxamuud Bidey oo ah hormuudkii kuliyadda caafimaadka waxay ka soo wada jeedeen Beesha Sacad.
Laakiin raq-doodii oo weli taalla ayey taageerayaasha Beesha Sacad u mudaaharaadayeen xilkaqaadistii Qeybdiid, waxayna arrintaas igu dhalisay inaan is weydiiyo muxuu Qeybdiid xilkiisii kaga fadli batay dhiigga Dr. Caddow iyo Dhaawaca Dr. Bidey.
Anigoo la yaaban arrimaha aan kor ku soo sheegay ayaan ka war helay in Cabdi Qeybdiid xil wasiirnimo loo magacaabayo. U dhabbo gal ayaan is iri. Eeg eegay meeshii. Waaba Odey Qeybdiid oo seddax kitaab la isu dul saaray si loogu dhaariyo.
Waxaan is weydiiyey tolow maxaa Cabdi Qeybdiid loogu dhaariyey seddax kitaab oo dhan mid baaba ku filnaaye, laakiin macne yaal badan ayaa ii soo baxay.
Marka koowaad Cabdi Qeybdiid waa nin hal adag. Macangeg ah. Aan nixin. Kuna adag rabitaankiisa. Aanan la gamban ka shaqeynta danaha beeshiisa. Isagoo sidaas ah ayuu wuxuu ka mid noqonayaa dowlad ay ku shirkoobeen “ISMA HURTO AAN IS AAMINSANEYN” oo isugu jirta Qeybdiid saaxiibadiisii iyo rag ay soo dhex martay cadaawad gaamurtay oo laakiin dantu ay isu keentay iyagoo aanan ka heshiin wixii soo dhex maray ee colaad ahaa.
Mar haddii ay dhaarintiisii wehlisay ahbin maxay kala ahaayeen dhaarinta iyo ahbinta?
Dhaarintu waa iska habdhaqan ay madaxda ku dhaartaan been aysan weligood ka dhabeyn oo iska noqotay “Formal”, laakiin ahbintu waxay aheyd wax u muuqday mid niyadda ka soo go’day oo ragga dowladda ku jiraahi ay malaha ku doonayeen inay Qeybdiid dareensiiyaan inay dugaashanayaan haddana ka dareen qabaan.
Waxay ka dugaashanayaan cadow ay wada leeyihiin oo ah Alshabaab iyo Xisbul Islaam. Waxayna kaga dareen qabaan in isagoo saaxiibkood ah haddana uu u dhigo turunturooyin badan oo siyaasadeed iyo kuwo amni haddii lala fahmi waayo baahiyihiisa u goonida ah.
Mid baase muhiim ah. Shariif Sheekh Axmed iyo Dowladda Cumar Cabdirashiid waxay xil ka qaadistiisii ku tijaabinayeen inay jirto beel haddii dagaal oogaheeda xilka laga qaado dowladda saameyn ku yeelan karto. Sheybaarkaasi tijaabinayey awoodda beeleed ee shaqsiyaadka dowladda ku jira ayaa wuxuu soo saaray in Qeybdiid iyo Hogaamiye kale midna uusan hadeertan ku dhicin inuu beel ahaan saameyn ugu yeelan karo dowladda.
Ugu dambeyntii, Isma hurtada aan is aaminsaneyn iyo ugaarsatada ka soo horjeedaba way ka wada dareen qabaan Maddaale Cabdi Qeybdiide, waxaan arki doonnaa inuu kolkaan ka soo haro Shariifka iyo in isaga uu noqdo ninka laga soo hari doonno.
Wixii dhaliil ah ku soo hagaaji……………. Abukar.albadri@gmail.com