Godane iyo Xasan Dahir Aweysow abaalkaan idiin galnay, jawaabta aad ka bixiseen ma sidaan baa !!!!
2009-12-22
Godane iyo Xasan Dahir Aweysow abaalkaan idiin galnay, jawaabta aad ka bixiseen ma sidaan baa !!!!
Waxaan u haysanay dad abaal guda islamarkaana ah dad abaal la gashan karo, nasiib daro ma noqonin sidaasi,waxa aanu ka mid nahay qabiil ka mida beel weynta hawiye,waa beesha loo yaqaano KARANLE,beeshaas oo berigii hore caan ku ahayd deris wanaaga,dad la dhaqnka,soo dhaweynta,tixgelinta beelaha kale ee soomaaliyeed.
Maantase waxa ay beesha KARANLE ku soo baxday EBBER !!!,godane iyo xasan daahir daraadood waxaan denbi ka galnay guud ahaan ummada soomaaliyeed, qaasatan beelaha aan walaalanahay ee hawiye,2dooda masuul oo ummada soomaaliyeed gudo iyo dibadba la karaahsaday,welina aan ka toobad keenin una sii ooman dhiiga shacabka soomaaliyeed.
Sida aad la socotaan beesha KARANLE waxa ay taliska guud ee alshabaab ka dhigtay, degmada ceel-buur,xarunta alshabaab laga hogaamiyo waxa aan ka dhignay degmada dayniile,xafiis iyo guri uu jiifto ina godane waxaan uga dhignay gurigii uu lahaa hogaamiyaha beesha KARANLE ee Maxamed Qanyare Afrax,sidaa darteed abaalkii ay beesha KARANLE u gashay Godane iyo Xasan Dahir Aweys,ma in ay beesha jawaab uga dhigaan baa in midana wiilashii ay ku dhaaraneysay beesha KARANLE gacmo iyo lugo is dhaaf uga gooyaa,midna in wiilkii oo nool inta uu god ku aasay qaarka horana 2 kaariko oo dhagaxa lagu dilaa baa meel fagaaro ah degmada afgooye.
Isla markaana inta filim laga duubay maanta laga daawanaayo caalamka oo dhan.
Sidaa darteed waa maxay talaabada la gudboon in ay ku dhaqaaqaan beel weynta KARANLE.
CALI GEESEEY
FRANKFORT JARMLAKA
cali_geeseey@hotmail.de