Alshabaab yeyrabaan iney Reebaan oo aaney dilin.
2009-12-14
8 December 2009 SMCAlshabaab ilaa sanadihii ugu dambeeyey waxaay
ugaarsanayeen Aqoonyahannada iyo indheergaratada Soomaaliyeed waxaana
laga bilaabo sanadkii hore aay ku soo kordhiyeen hawlahoodii
khaarajinta iyo dilka Imaamada Masaajidyada iyo imaamada Masaajidyada .Alshabaab waxaay muddaba rajeeynayeen oo baadigoobayeen in aay uun mar helaan aqoonyahanadii aay gooni goonida u ugaarsan jireen oo meel qur ah ku aruursan ,arintaas waxaay noqotay fursaddii Alshabaab aay muddo badanba rajeeynayeen in aay helaan ,waxaayna usoo direen qof jaahil ah oo waxmagarato ah oo aay miskaxdii ka dhaqeen in uu isku qarxiyo xafladdii ka socotay Hoteel Shaamoow oo isku beddeshay raq iyo musiibo qaran.
Dadkii Goobtaas ku geeriyooday waxaay ahaayeen maskaxdii iyo indhihii ummadda Soomaaliyeed ,
2-waxaa halkaas ku geeriyooday Saddexdii Wasiir oo ahaa saddex wasiir ku caanbaxay Islaaniimo Daacadnimo iyo u adeegidda shacabka
2.Takhaatiirtii xeeldheerayaasha ahaa oo qaarkood ahaa warshad soo saarta oo waxbarta takhaatiirta mustaqbalka takhaatiirtaas oo dalka ku baaqi noqday si aay naftooda ugu huraan shacabkooda dhibaatadana la qaybsadaan
3.ardaydii ka qalinjabisay Kuliyadda Dhixtarnimada oo wax ku soo bartay dagaal hoostiis iyo daruufo qalafsan oo habeeynkaas ku jiray farxad iyaga iyo waalidkood .
4.Wariyayaashii Goobtaas wax ku duubayey
5. Hooyooyin u yimid xafladda ilmahooda
Alshabaab halkaas waxaay ku xasuuqeen Wasiiradii iyo takhaatiirtii qiimaha wayn lahaa .
Islamarkii Shilku dhacay afhayeen ka tirsan Alshabaab baa lasoo xiriiray mid kamid ah Idaacadaha maxalli ah oo ku taal Magaalada Muqdishow waxaana taleefoon looga duubay isagoo sheegay in Alshabaab aay ka dambeeyeen qaraxii lala beegsaday waxa uu ku tilmaamay wasiiradii riddada ahaa
Hasayeeshe ,toban daqiiqo waxaa idaacaddii soowacay Afhayeenka Alshabaab oo ku amray wariyihii waxka duubay in uusan warkaas sii dayn ,waxyar kaddibna waxaa idaacadda yimid oo canjaladdii hadalka lagu duubay qaatay alshabaab.Dhanka kale waxaa islamarkii qaraxu dhacayba lasoo galiyey Bogga Alshabaab sheegashada iyo waxa aay ku tilmaameen guusha Alshabaab oo dilay Afar Wasiir oo aay ku tilmaameen in aay ka tirsanaayeen wax aay ugu yeereen Dawladda Riddada,hasayeeshe 15 daqiiqo kaddib warkii waa ka saareen.Kaddib markii aay arkeenin shacbigii muqdishow kacay waxaay alshabaab go,aan ku gaareen in aay Inkiraan falkii Xasuuqa oo aay Sameeyeen .
Maxaa la Gudboon Shacbiga Soomaaliyeed
Shacbiga Soomaaliyeed waa arkeen ficilada fooshaxun oo arxan laįanta ah oo shabaab aay ku xasuuqayaan ardadeena ,aqoonyahanadeena ,Takhaatirteena .
Alshabaab oo ah koox u adeegta shisheeyaha waxaay gobollada aay ka taliyaan ka dajiyeen Calankii Soomaaliya iyaga oo saaray kuna beddelay calankii madoobaa ee Alqaacida ,waxaana dadweeynaha Soomaaliyeed iyo Culumaudiinka Soomaaliyeed la gudboon in aay iska qabtaan Alshabaab oo ah cadow aan naxariis lahayn.
maxamuud Axmad Ileey
London /UK