Godka Lagu cadaabyoow muxuu go'uhu Been sheegay: Riyadii Cismaan Hindi.
2009-12-14
badweynta hindia magaalo u dhow Eyl oo garacad la yidhaahdo, ka dibna Ina cabdille xasan ay feedhaha kaga dhici gaadhay oo uu
ka gabaday. ka dibna wuxuu raaciyey tix gaaban oo gabay ah oo uu ku sifaynayo inuu sayidkii sigay, wuxuuna yidhi :
Hootadaan goldheeriyo ka riday xanano guudkooda
waxay soo giglaysaba markay gog iyo Eyl gaadhay
Wadaadkii sidee uga gabaday waa gol madhankiiye
waxay soo giglaysaba markay gog iyo Eyl gaadhay
Wadaadkii sidee uga gabaday waa gol madhankiiye
Ina cabdille xasan ayaa loo geeyey in ninkaasi gabay soo tiriyey sidaana ku riyooday, ka dibna wuxuu ugu jawaabay tix gaaban
oo gabay ah wuxuuna yidhi,
Ninka yidhi waxbaan gani anoo gol iyo cayn jooga
ee yidhi badii garacad baan gudub u weydaarin
godka lagu cadaabyoow muxuu go'uhu been sheegay.
ee yidhi badii garacad baan gudub u weydaarin
godka lagu cadaabyoow muxuu go'uhu been sheegay.
Waxaa taas ka dhigan hadalka milgaha iyo anshaxa siyaasadeed ka madhan ee uu caadada ka dhigtay ninka abtirsiintiisa lagu
muransan yahay ee Cismaan Cabdilaahi cigaal "hindi" loo yaqaan", isku dhererinta iyo Afxumada cismaan hindi oo raga qaar soo
jeediyeen in hadii Rashiid Bulo (AHUN) noolyahay looga Ergoon lahaa, hase yeeshee hadii la waayey cid ka sokaysa
Phobal(hindia) oo arinkiisa KA Odayaysa, waxayn noqonaysaa in wax laga yidhaaho.
Inta aanu cismaan hindi u boodin Gudoomiyaha Sharafta leh iyo mandellaha somaliland waxaa la gudboon inuu isweydiiyo Shalay
iyo Maanta keebaad waalayd, ma maanta oo aad Riyaale difaacayso mise Shalay oo aad Siilaanyo Amaanaysay, oo aad lahayd
Riyaale ha la toogto , Bal adigu naftaada Xukun.
Mida kale Hargeysa waxaad ku soo kordhisay oo bulshadii kaaga cabanaysaa Dhaqan xumo aan hore hargeysa loogu aqoonin, oo ah
inaad hoygaagii iyo Meheradahaagii ka dhigtay meelo raga iyo dumarka la isagu soo xereeyo, oo weliba waxa la cadaynayaa in
hablaha lagu Farxumeeyey Xarunta Aroosyada ee haregsa aad ka furtay ay u badan yihiin qaar da'doodu ka hoosayso 14 jir, bal
taana waxaa lagaa doonayaa inaad magac iyo qiil u samayso.
Cismaan hindi Waxaad jooji jirtay wadanka Sweden Khaasatan magaalada malmö , waxaanad ogtahay in Weli dawlada Sweden sidii
kuu raadinayso oo aadan wadankeeda soo geli karin maadaama oo lagagu leeyahay, Lacagtii CSN ee Amaahda ahayd iyo dayn kale oo
bangiyadu kugu yeesheen, Lana filayo in lagu qabto marka ugu horaysa ee aad cagaha soo dhigto, sidaa Aaawadeed Bal ka
sheekee maalintii Tuug iyo Khaayin La aamini jiray , hadii aanay ahayn waxa Riyaale kugu caashaqay?.
Waxaan talo kuugu soo Jeedin lahaa, Ma tihid maanta kii Muuqan lahaa waxaad tahay kii dhuuman lahaa, Mujaahid Siilaanyona
waa Ku ceeb inuu kuu jawaabo, mana istaahishid wax waqti lagu lumiyo.
Xulashada Shabakada