Nin Summad Laawe Ahi Miyey Tahay Inuu Wax Ka sheego Nin Summad Leh Oo La Garanayo?

2009-11-20

 

Waxa dhawaan ku soo baxay shabakada ka sheqeeysa isku dirka beelaha somaliland maqaal lagu af lagaadeynayo beesha Barsuuga kaasoo wax xikmad ah oo kale oo uu xambaarsan yahay ama laga faaido karaa aanay ku jirin haba yaraatee. Waxa ka sii darran xikmad yarida ku jirta qoraalkaas, ninka maqaalka qoray oo ah nin summad laawe ah oo fule ah oo ka baqay inuu sheego cidda uu yahay marka hore isagu iyo magaciisa oo buuxa sida uu beeshaas u magacaabay oo kale.

 

Qoraagani wuu inoo sheegay magaca ama summadda reerka uu ka hadlayo oo ah beesha Barsuug (oo ah beesha Muuse Celi oo Arab ka tirsan) balse isagu ismuu sheegin cidda uu yahay iyo halka uu ka soo jeedo taasoo muujinaysa inuu yahay summad laawe. Haddaba adigoo shaqsi summad laawe ah, illayn ku garanymayno cidda aad tahaye oo waad is-sheegi weyday sida aad reerka kaleba u sheegtay qabiilkooda eh, waxaanu u qaadan karnaa inaad OROMO tahay qudhaadu ama TIGREY aad ka jinsi qabto oo aad Ciisaaya Afawargi isku heyb tihiin.

 

Taasina waa wax aad u suuragal ah waayo Oromadu immika waddanka Somaliland aad bay ugu badantahay waxaana jira dad badan oo af-soomaaliga qora oo inaga badiya oo beelaha Somaliland-na sheegta oo Oromo dhashay?

 

Haddii aad ku sheegtay beel Muuse Celi ah oo Arab ah oo reer sheekh Isaxaaq ah, adigu yaad tahay, yaadse kuu ab-tirsataa? Summad laawe aan la garanayn halkuu ka soo jeedo ayaad tahay sida qoraalkaaga ku cad.

 

Markaad u badheeedhayso af-lagaadada ummad dhan waxay ka tarjumaysaa maangaabnimadaada iyo qardhaasta qabyaaladda ah ee laguu soo jaxaasay ee lagu yidhi, “laguma dhaamee dhaqaaq”. Dhawr jeer oo horena af-lagaadooyin noocaas oo kale ah ayaad kolba meel kaga dhataq siisay.

 

Dhaqanka noocani wuxuu la mid yahay dhaqanka qolooyinka loo yaqaano af ingiriisiga ‘Streakers’. Waa maxay haddaba ‘Streakers”-ku.

 

Streakers-ku waxa weeya dhaqan la yaab leh oo ka soo aasaasmay Giriigii hore balse aad ugu caanbaxay Yurub inteeda kale 1970kii. Dhaqankaa la yaabka leh waxa uu had iyo jeer ka dhacaa meel ay dad badani isugu yimaadaan sida gegooyinka ciyaaraha oo khasab ay ku tahay in qofka goob jooga ahi uu ku arki karo waxaad samaynayso.

 

Waddamadan Yurubta gegooyinka lagu ciyaaro  kubbadda Cagta, Teniska, Ragbida iyo Kirikitka waa qaar ay qaadkoodu aad u waawayn yihiin oo dad aad u fara badani isugu yimaadaan. Waxa dhacda mar marka qaarkood in daawadayaasha ciyaarahaas iyagoo ku dhaygagsan ciyaarta garoonka ka socota ay ka soo dhex boodo gabadh qalanjo ah oo aad is leedahay markay ku ag fadhido waa gabdh sharaf leh.

Gabadhaasi intay si yar oo sibiq ah u dhigato dharka oo dhan oo ay mudh iyo gacan iska dhigto oo aanay waxba isku reebin ayay big tidhaahdaa oo dhex carartaa garoonka lagu ciyaarayo. Illayn halkii lagu ciyaarayay ayey dhex carartaye waa khasab inuu qof walba arko. Waxa inta sida tooska u arkaysa ka badan malaayiinta kale ee ka daawanaysa Telefishanada caalamka oo dhan. Waxa dhacda markaa in gabadhaas markay iyadoo qaawan oo muddug ah ay kolba dhinac u cararto gegida lagu ciyaarayo sidii balanbaalista inay ciidamada amniga ilaalinaya la daba cararaan buste ama go’ lagu asturo cawradeed. Ninkan la baxay Mudane Quule caado ayay u noqotay inuu dhex cararo internetka isagoo mudh iyo gacan oo walqinaya saabaankiisa oo aan waxba ka xishoonayn. 

 

Gebogabadii waxaan ku leeyahay Quuloow, waxa jira odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda “Af-xumo nabadna way kaa dheeraysaa, dagaalna wax kaagama tarto”. Waar reeraha af-lagaadada ka daa oo ceebtaada, intaad mudh iyo gacan iska dhigto, kolba ha dhex cararin internet-ka.

 

Maxamed Maxamuud Faarax

Newcastle, UK

© 2009 WaryaTV Sweden. All rights reserved. This material may not be published, broadcast, rewritten or redistributed.

Leave your comments below (you can use your Facebook account, click the "from" field)
Your no1 page for breaking global news, images and video
Copyright 2009 WaryaTV Stockholm, Sweden
Contact & tips: info@waryatv.com